Monday, July 29, 2013

Monaco: Waxaan Na Loo Soo Bandhigay Inaan La Wareego Nani.


Agaasimaha Monaco Vadim Vasilyev ayaa sheegtay in kooxdiisa loo soo bandhigay fursad ay kula wareegi karaan xiddiga garabka uga ciyaara Manchester United Nani.




Mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee Old Tarfford ayaa shaki uu ku jiraa ka dib imaanshiyaha macalinka cusub David Moyes.




Nani ayaa waxaa hal sanno kaga hartay qandaraaskiisa haatan, waxaana kooxda boorsada weyn ee Faransiiska ay u soo bandhigi kartaa heshiis qaali ah oo uu lacag badan ku helayo.




Tababare Claudio Ranieri ayaa durbaba lacag badan ku qarashgareeyay soo xerogelinta Radamel Falcao, James Rodriguez, Joao Moutinho, Eric Abidal iyo Jeremy Toulalan.




Vasilyev ayaana diiday inuu meesha saaro inay u dhaqaaqayaan saxiixa 26 jirkaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.




“Waa na loo soo bandhigay inaan la wareegno Nani” ayuu Vasilyev u sheegay wargeyska Faransiiska L’Equipe. “Waa ciyaaryahan aad u fiican, laakiin ilaa iyo haatan wax wadahadal ah ma jiraan.




 




 




“Waxaan durbaba bedelnay kooxda intii macquul ah, waxaana sidoo kale dooneynaa inaan fursad siino da’ yarteena.




“Waxaan weli heysanaa waqti aan isbedel yar ku sameyn karno ka hor inta uusan suuqa xirmin hadii loo baahdo.”