Friday, July 26, 2013

Sharciga cusub ee Faransiiska iyo Mushkiladaha ay kala kulmaan Muslimiinta sii kordhayaa: Warbixin


Wadanka faransiisku  waxa uu kamid yahay wadamada ugu muslimiinta badan Qaarada yurub gaar ahaan barriga yurub Waxaana lagu Qiyaasaa inay ku  noolyihiin dad mulsimiin ah oo Tiradoodu kor u dhaafayso Saddex-milyan 3 Milion,  iyaga oo sanad ba sanadka ka danbeeya ku sii badanaya, badhtamihii sanadkii hore ayaa waxa go’aan ka soo baxay dawlada faransiiska lagu meel mariyay sharci dhigaya in gabadhii lagu arko niqaab la kulmi doonto ganaax lacageed  iyo waliba  xadhig…….



Dhacdadaaasi waxay noqotay mid ay aad uga Cadhoodeen Dadka muslimiinta ah ee ku kala filiqsan Caalamka , guud ahaan dunida islaamka gaar ahaan dadka ku nool faransiiska, Balse go’aanka ayaan  sidii la moodayay waxba kamuu badalin dhaqankii dumarka islaamka ah ee ahaa qaadashada niqaabka oo dhag jalaq umay siin halka ay rag ganacsato ahi ballan qaadeen inay bixinayaan lacagaha ganaaxa ah ee lagu soo rogo.



Badhtamihii bishii hore ee June ee sanadkan ayaa  waxa ka dhacay rabshado u dhaxeeya booliska iyo dad Islaam ah oo ka gadooday  haweenay niqaaban oo ay boolisku qashqasheen.



 



 



Waxa ka dhacday Sheeko layaab leh Magaalo ku Taala wadanka faransiiska Supermarket ku yaala kadib markii Gabadh muslimad ah oo niqaaban ka Adeeganaysay  maalin maalmaha kamida



Markay dhamaysatay dukaamaysigii ayay u soo dhaqaaqday Qaybta xisaabta ee lacagaha  lagu bixiyo.



Qaybta lacag qabashada waxa fadhiday gabadh Asalkeedu carab kasoo jeedo  oo muslim ah hase ahaatee aan lahayn Astaamaha dumarka muslimiinta lagu yaqaano  oo timo qaawan .



Markii ay soo gaadhay gabadhii niqaabnayd halkii ay fadhiday gabadhii xisaabta ku shaqada lahayd ee carabiyada ahayd  ayaa la kulantay aragti iyo eegmo aan naxariis iyo ixtiraam lahayn oo kaga timid gabadhii meesha shaqaalaha ka ahayd  iyada oo Alabtii ay xisaabninaysay si dheel dheel ka muuqdo  miiska ula dhacaysay ……………………………………………………



Gabadhii Niqaabnayd waxay ahayd gabadh dagan oo dareenba may siin taas oo cadhada ku sii kordhisay



Gabadhii carabiyada ahayd ee shaqaalaha ahayd oo marka horeba aragtideeda hiifsanayd, waanay is xajin kari wayday oo 



Waxay tidhi halkan (Faransiiska) dhibaatooyin farabadan  ayaa nagu haysta oo uu Niqaabku kamid yahay



Annaguna halkan waxaanu u joognaa Ganacsi ee uma joogno in aanu diinta ama taariikhda muujino…



Markaa hadad rabto inad xijaabato ood niqaabato ku noqo wadankaagii   oo sidaad doonto u muuji iyada oo moodaysa qof sideeda oo kale carabaha ka yimid…………



 



Gabadhii Niqaabka sidatay ayaa joojisay alaabtii ay kiishka ku guranaysay oo iyadu Goorahaaaba aamusnayd, si kadisa ayay Niqaabkii iskaga rogtay mise waaba Gabadh Cadaan ah oo indho-buluuga ah iyada oo leh ‘’ Waxaan ahay Gabadh faransiisad ah Cidna uma joojinayo  ……Tani Waa diintaydii halkana waa dalkaygii …………………………..Idinka ayaa diinta iibiyay Anaguna waanu Iibsanay!!



 Mohamed  shakir Saed Abdi (Shaakir)




gobanimonews



Paris Office