(GNA) Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku baaqay degenaansho ka dib markii xeer beegti maxakamad ku taala Gobolka Florida ay dambi ku waayeen, Goerge Zimmerman oo loo heystay dilka wiil dhalinyaro oo madwo ahaa.
War qoraal ah, ayuu Mr. Obama ugu yeedhay dhimashada Trayvon Martin mid musiibo ku aheyd – qoyskiisa iyo Mareykankaba – laakiin waxa uu ku baaqay degenaansho.
Waxa uu yidhi Obama waxaan nahay wadan ku dhisan sharciga, isla markaana waxaa hadlay xeer beegti.
Maxkamadeynta George Zimmerman oo la soo gabagabeeyay goor dambe oo Sabtidii ah ayaa qabsatay telefishinada iyo internetka axadiii shalay., xukunkaa oo kiciyay dibad baxyo isla markaana kiciyay doodo qaran oo dhinaca la dagaalanka isir naceybka iyo dambiyada.
Martin oo 17 jir ahaa ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa uu ku dhintay gacan ka hadal dhex maray isaga iyo Zimmerman oo qowmiyadda Hisbanigga ka soo jeeda , oo ka mid ahaa ilaalo hubeysan oo mujtamaca deegaankiisa ay lahaayeen.
Dhimashada wiilkaasi ayaa dhalisay in dad badan oo mareykanka u dhashay ay aaminaan in wiilkaa yar loo dilay naceyb dhinaca isirka ah, maxaa yeelay waxa uu ahaa wiil madow oo dhex socday xilli gudcur ah goob ay mujtamaca cadaanka ah ku badanyihiin.
Wasaaradda Cadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay axadii shalay inay qiimeyneyso daliilaha dacwadan, si ey go’aan uga gaadhaan in Zimmerman dacwad federali ah lagu soo oogi karo iyo in kale.
Gobanimonews.com