Monday, July 29, 2013

Muqdisho: Dablay Hubaysan oo 2 Askari iyo Qof Dumar ah ku dhex toogtay Suuqa Bakaaraha Goor aan Fogayn


Muqdisho(GNA)-Waxa gelinkii dambe ee maanta suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan Qeybta Qudaarta lagu iibiyo lagu dilay ilaa Sadax qof oo isugu jira Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Dad Shacab ah.

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa toogtay labo kamid ah Askarta Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa Suuqa Qudaarta lagu iibiyo iyagoona xiligaa kadib kooxaha Hubeysan ay hadana dil u geysteen haweeney Rayid ah oo ka agdhaweed goobta Ciidamadan lagu dilay.

Goob jooge ayaa sheegay in Askartan la toogtay xili ay gudaha suuqa dhax lugeenayeen iyadoona markii Kooxihii dilka geestay dhaqaaqeen ay ka hortimid Haweeney Shacab ah kadibna iyana ay xabad ku dhufteen sidaana ay ku wada geeriyoodeen Sadaxdaasi ruux.

Kooxihii dilka geestay ayaa la sheegay inay markiiba  ka baxsadeen  goobtii uu dilku ka dhacay, iyadoo ay halkaasina soo gaadheen Ciidamo kale oo katirsan Dowlada, kuwaasoo goobta ka qaaday meydadka Ciidanka la dilay sidoo kale halkaasi ka sameeyay howl galo aan guul laga gaadhin.

ma jirto cid sheegatay dilkaasi, hase ahaatee waxa loo aanaynayaa Kooxda Al-shabaab oo hore ugu hanjabtay inay sii laba jibaarayaan Weerarada ay ka geysanayaan Magaalooyinka somaliya, iyadoonay hore dilal iyo weeraro ismiidaamin ah uga geysteen Gudaha Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com