Monday, July 29, 2013

Pepe Reina Oo Ku Dhaleeceeyay Maamulka Liverpool Sida Ay U La Dhaqmeen.


Pepe Reina ayaa ku dhaleeceeyay Liverpool sida ay u maareeyeen heshiiskiisa amaahda ee Napoli.




Warqad furan oo uu soo dhigay website-kiisa, goolhayaha reer Spain ayaa sheegtay inaan lagu wargelinin inuu heshiis amaah hal sanno ah ugu wareegayo kooxda Serie A ka dhisan ilaa iyo ka dib markii heshiiska la soo gabagabeeyay.




Reina ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Barcelona xilli ciyaareedkii hore, tababare Brendan Rodgers ayaana sharaxaad ku bixiyay in wararkaas soo baxayay ay keentay inuu Simon Mignolet soo iibsado.




Si kastaba, Reina ayaa sheegay inuu u sheegay kooxda inuu qandaraaska u kordhin doono hadii uusan dalab ka imaanin Barcelona.




“Haddii uu jiro hal sheey oo aan ka qoomameynayo waa sida aan ku baxayo” ayuu yiri 30 jirkaan.




“Waa wax iska caadi ah inaan ka xumaado in maamulka Liverpool ay heshiis amaah ah la gaareen Napoli iyaga oo aan marka hore aniga ii sheegin.




“Waxaan u maleynayay inaan u qalmo wax intaas ka fiican, inkastoo aan fahmi karo in kubada cagta ay tahay in la qaato go’aano adag.




 




 




“Wax badan ayaa laga hadlay inaan kooxda u wargeliyay inay dhageystaan hadii uu dalab ka yimaado Barcelona. Laakiin sidoo kale waxaan kooxda u sheegay inaan qandaraaska u kordhin doono hadii uusan dalab ka imaan Barcelona.




“Waan u sheegay tababaraha inaan doonayay inaan u ciyaaro Liverpool, islamarkaana Barcelona ay ii noqon laheyd fursad aan dib ugu laabto dalkeyga.




“Markii uusan dalab ka imaan Barcelona waan ku faraxsanaa inaan u dagaalamo booskeyga, sidaasi darteed lama filaan ayay igu aheyd in Liverpool ay go’aansatay in danaha kooxda uu yahay in amaah la iigu diro Napoli.”