Thursday, July 25, 2013

C/raxmaan Cirro: Way dhamaatay Ujeedadii loo Aasaasay Golaha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranku”


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si kaftan ka muuqdo maanta u sheegay in iskaashiga Asxaabta Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI meesha ka saarayso habacsanaantii ka muuqatay ee dhanka mucaaridada.




Mr Cirro ayaa sheegay in maadaama labadii xisbi Mucaarid isku bahaysteen toosinta xukuumadda, laga maarmayo ujeedadii loo aasaasay Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, isla markaana xilkii ay hayeen mudada kooban ay dib ugala soo noqonayaan Xisbiyadu.




“Golaha Wada-tashiga Qaranka Maalintii lagu dhawaaqayay waxay yidhaahdeen waxa nagu khasbay Golahan Xisbiyadii Mucaaridka ahaa oo hawshoodii Gabay, markaa maanta waxaan leeyahay waa kuwaa labadii Xisbi midoobay oo Xilkii waa laydinka qaaday”ayuu ka sheegay Munaasibadii ay Maanta Xisbigiisa iyo Ucid kaga dhawaaqeen Iskaashiga siyaasadeed.




Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa  hore u sheegay in ujeedada  aasaaskoodu ka dambeysay, ka dib markii ay xukuumaddu ku keliyaysatay saaxada siyaasada, lana tebay Asxaabtii Mucaaridka, taasina ay dhinac ka rartay hanaanka dawladnimo ee dalka u yaala.




 Hadalkan Guddoomiye Cirro ayaa muujinaya in sababta ay labada xisbi u mudoobeen ay tahay sidii ay u difaacan lahaayeen kaalintooda Mucaaridnimo, balse Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa hore uga tirsanaa Golahan, isla markaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay ashkhaasta ugu miisaanka culus  ee jaan-gooya talaabooyinka la qaadayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com