Saturday, July 27, 2013

Hargeysa: Xaflad la isku Arkay oo lagu Caleemo Saaray Boqorka Dhalinyarada Somaliland


Hargeysa(GNA) Munaasibad Balaadhan oo  Lagu caleemo saarayay Boqorka Cusub ee  Dhalinyarada Somaliland Boqor Cabdilaahi Xassan Axmed Yaasiin ayaa habeenkii Xalay lagu qabtay Magaaladda Hargeysa, Munaasibadaasi waxa ka soo qaybgalay Dhalinyaro, waayeel, Haween faro badan, Cuqaal iyo Dadweyne kale oo ka kala socday Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland.




Boqorka Dhalinyarada Somaliland Boqor Cabdilaahi Xassan Axmed ayaa ah Boqorkii ugu horeyey ee dhalinyarada Somaliland yeelato.




Munaasibada Caleemo Saarka Boqorka Cusub ee dhalinyarada Somaliland ayaa waxa hadalo ka jeediyey Xildhibaano, Caaqilo, iyo dhalinyaro ka kala socotay Degmooyinka Caasimada Hargeysa iyo Gobolada kale ee Somaliland.




Siciid Maxamud Salaad oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shinidu leedahay Boqor hogaamiya sidaasi darteeda dhalinyarada Somaliland ay caleemo saartay Boqor hogaamiya waxanu yidhi. “Haaddii aanu nahay dhalinyarada Somaliland waxaanu caawa ku dhawaaqaynaa in aanu Magacwanay Boqorka dhalinyarada Somaliland, waxaanu cadeynaynaa in dhalinyaraduna yeelan karto hogaan dhaqameed u gaar ah oo ay iyagu leeyihiin, waana markii ugu horeysay ee taariikhda Somaliland ay dhalinyarada  somaliland ay  yeelatay boqor iyaga u gaar ah oo waliba dhalinyaro ah, aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarada somaliland waxaan hambalayo u diraayaa Boqor cabdilaahi oo aan leeyahay garbaahaga aynu taaganahay.”Ayuu yidhi.




Ismaciil oo ku hadlayey afka dhalinyada 26juun ayaa waxa uu soo dhaweyey Caleemo saarka boqorka Cusub waxanu yidhi. “Runtii dhalinyaradu waa Mustaqbalka Somaliland, marka waxaanu cadeynayanaa in dhalinyaradu ay dooran karto boqor u gaar ah dhalinyarada somaliland, Boqorka aniga oo la kaftamaya waxan leeyahay Dhibaatooyinka faraha badan ee dhalinyarad haysta waa in aad wax ka qabtaa sidda tahriibta iyo waliba dhibaatooyin kale ee dhalinyarada somaliland haysta.”Ayuu yidhi.




Xildhibaan Maxamed Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee taariikhda ee dhalinyarada Somaliland ay  yeelato boqor u gaar ah oo xaliya dhibaatooyinka kala duwan ee haysta waxanu yidhi. “Boqorka Cusub ee caawa aynu caleemo saarayno waxaan illahay uga baryayaa in uu xilkaasi u fududeeyo, runtii waxaan aaminsanahay in uu boqorku yahay mid karti iyo aqoon  leh oo wax badan dhalinyarada Somaliland u qabanayaa.”Ayuu yidhi.




Dhanka kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaano iyo Caaqilo waxayna Boqorka Cusub Illahay uga baryeen in uu xilka u fududeeyo.




Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay Boqorka Cusub ee  dhalinyarada Somaliland Boqor Cabdilaahi Xassan Axmed waxaanu sheegay in uu dhalinyarada Somaliland si cadaalad ah ugu shaqeeyn doono oo sinaan ah, waxa kale oo uu Xusay in wax kasta oo ay dhalinyaradu ka cabanayso raadin doono xalin inta karaankiisa ah, isagoo xusay in Munaasibadani tahay uun gogal-xaadhka Caleemo Saarka balse ay dambayso Munaasibadda Rasmiga ee lagu caleemo saari doono taasoo dhowaan qabsoomi doonto haddii Eebe Idmo.