Sunday, July 28, 2013

SLN: Dhegeysiga Dacwadda Cawar Xareed oo Fashilinaysa Wasiirro Xukuumadda ku jira oo ka qayb-qaatay Dilalkii Seemaal










Xogo dheeraad ah: Waa kuwama Masuuliyiinta Durba farta lagu godayaa, maxayse Xukuumaddu ka dhaxli doontaa Fadeexadan?




Hargeysa(GNA)Dilal qorsheysan iyo shaqaaqo muddo dheer soo taxnayd oo ka dhacday Deegaano u dhexeeya Gobolka Gabiley iyo Awdal, ayaa xogo rasmiya oo soo baxay waxay si toos ah ula xidhiidhinayaan in fulintooda ay ku lug-lahaayeen ashkhaas ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Somaliland.




Maxamed Maxamuud Cawaale (cawar-xareed) iyo 4-qof ookale oo ku eedaysan dilal kala dambeeyey oo wakhti lhore ka dhacay deegaanka Buqdhada ee Galbeedka Gabiley, oo salka ku hayey khilaafka Ceel-berdaale ee Galbeedka somaliland, ayaa la sheegay inuu Maxkamada Ciidamada horteeda ka cadeeyay in siyaasiyiin qaarkood wasiiro ka yihiin Xukuumaddu lacag iyo ficilba ku dhiiri-geliyeen inay dilalkaasi fuliyaan.




 Dacwadda Ragan oo  maxkamadda Milateriga ka furantay maalintii khamiistii ee Bishu ahayd 25-july-2013-ka, gaar ahaan Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa oo maxkamdani ku leedahay xafiis dacwadaha lagu qaado marka loo baahdo, ayaa daaha ka faydaysa in xubnaha masuuliyiinta ahi door weyn ku lahaayeen arintaasi, taasoo hadii ay dhab noqoto Fadeexad iyo xiisad hor leh abuuraysa, islamarkaana abuuraysa iska hor-imaad siyaasadeed iyo Utun hor leh oo aan meesha la soo dhigan.




Cawar-xareed oo loo haysto inuu ahaa Abaanduule Hogaaminayey kooxaha dilalkan loo aanaanaynayo inay geysteen, ayaa markii la horkeenay maxkamadda Ciidanka Militariga waxa uu cabasho weyn ka muujiyey sababta isagoo shacab ah maxkamadda ciidanka loo keenayee dacwaddiisa loogu qaadi waayey maxkamada Rayidka, waxana uu ku dheeraaday in haddii la doonayo in kiiskan la soo afjaro la geeyo halkii ku haboonayd oo ah maxkamad Rayid ah.




Cawar-xareed  ayaa la sheegay inuu Maxkamadda  ka sheegay inaanu isagu gacantiisa waxba ku dilin, balse hadana aanu  dafiri Karin lugtii uu kiiskan ku lahaa.




Nin sheegay inuu ka mid ahaa Rag laga lagu laayey Deegaamadda shaqaaqadani ka taagantahay, hase ahaatee sheegay inuu ka Baxsaday intii aan la dilin oo Kiiskan markhaati ka ah,  ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay  In Cawar-xareed iyo koox uu wato oo uu ku jiro nin kale oo isna magaciisa lagu sheegay Qarxiye ay ka Af-duubeen jidka u dhexeeya kala-baydh iyo Dila wakhti Habeenimo ah, dabadeedna ay u geeyeen Ciidan kale Oo Meel buur ah joogay, intaa ka dibna cawar-xareed ka soo noqday,isna uu baxsaday.




Dhegeysiga Dacwadan oo ah markii koowaad, ayaa Gobanimonews loo xaqiijiyay in  Cawar-xareed Hadalka ninkaasi ka marag kacay,isagoo ku dooday in fulinta falkan ay ku dhiiri geliyeen Masuuliyiinta uu xusay..




Waxa uu Cawar-xareed,  maxkamadda horteeda ka sheegay in lacag dhan $100,000(boqol kun oo doolar), arintan lagu dhiiri-geliyay  loogu soo dhiibay masuul Golaha wasiirada ka tirsan gacantana looga dhiibay isaga, isagoo geesta kalena ku dooday in hadii raga Wasiiradda ah maxkamadda loogu keeno uu ku cadaynayo arintaasi.




Ma jiro war intaasi ka faahfaahsan oo ka soo baxay Maxkamadda Dacwadani ka socoto, balse sida ay Gobanimonews u sheegeen saraakiil xogogaal u ahi, arintan ayaa dibada soo dhigtay dareen hor leh iyo jiritaanka tuhuno hore oo lala xidhiidhnayay inay rag siyaasiyiin ahi falalkaasi lug ku lahaayeen.




Hay’adaha Amaanka Somaliland ayaa sanadkii 2011-kii markii uu dhacay dilkii ugu dambeeyay  oo lagu miray qoys degenaa agagaarka deegaanka Seemaal, laguna khaarajiyay Wiil iyo Oday Isdhalay, xabsiga dhigay Wasiirka Wershadaha ee xukuumadda siilaanyo Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timo cad) oo xiligaasi aan wasiir ahayn, balse ka tirsanaa xisbiga Kulmiye.




Abiib Timo cad ayaa mudo todobaad iyo dheeraad ah tuhun dilkaasi la xidhiidhay ugu xidhnaa Xarunta C.I.D-da ee Hargeysa, iyadoo dhanka kalena isla kiiskaasi go’aan la xidhiidha xilka looga qaaday Taliyihii Ciidanka Qaranka Gen Nuux Ismaaciil Taani.




Wasiir Abiib Timo-cad ayaa si toos ah farta loogu fiiqay inuu falalkaasi wax kaga jiray, hase ahaatee waxa muddo ka dib lagu soo daayay lad-qabo iyo waan-waan ay ka qayb ka ahaayeen xubno ka mid ah Golihii Wasiiradda ee wakhtigaasi, iyadoo aan waxna lagu cadayn, dambina aan lagu waayin.




Tibaaxa iminka aanu helayno waxay sheegayaan in siyaasiyiinta Cawar-xareed kiiskaasi dusha ka saaray uu ku jiro Abiib Timo-cad, hase ahaatee war sugan lagama hayo inuu magacaabay iyo in kale.




Ciidanka amaanka Somaliland ayaa Ninka Cawar Xareed gacanta ku soo dhigay 25 Bishii Feberaury ee sanadkii 2012-kii, isagoo ku sugan gudaha Magaalada gabiley, waxaanay qabashadiisu ka dambeysay muddo ka badan afar sanadood oo lagu daba-joogay, ka dib markii Kooxda uu hogaamin jiray Rag Ganacsato ah oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ku dileen jidka isku xidha Gabiley iyo Wajaale.




Xukuumaddii Daahir Rayaale ayaa ku guul-daraystay inay soo qabato, isla markaana xal waara ka samayso dilkaasi oo tan iyo xiligaasi heega goostay, abuurayna xiisad Ehli ah oo halkaasi ka bilaabantay.




Si kastaba ha ahaatee sheekadan uu Cawar daaha ka qaaday, ayaa laf jab iyo ceeb ku noqonaysa Xukuumadda siilaanyo, taasoo waajahaysa xaalad hor leh oo arintaasi ka soo korodha iyo inay Cadaalada horkeento raga Kiiskaasi iminka ku soo fuuray, si meesha ay uga saarto dhibaatada soo noqnoqotay, una sugto cadaalada.




Hadiise ay taasi ka war-wareegto ama ay damba-besto eedahan dibada u soo baxay waxa muuqanaysa inaanay wax isbedel ah dhalinayn go’aan kasta oo Maxkamadduhu ka soo saaraan dhegeysiga kiiskaasi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com












/* Style Definitions */
table.MsoNormalTable
{mso-style-name:"Table Normal";
mso-tstyle-rowband-size:0;
mso-tstyle-colband-size:0;
mso-style-noshow:yes;
mso-style-priority:99;
mso-style-qformat:yes;
mso-style-parent:"";
mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt;
mso-para-margin-top:0in;
mso-para-margin-right:0in;
mso-para-margin-bottom:10.0pt;
mso-para-margin-left:0in;
line-height:115%;
mso-pagination:widow-orphan;
font-size:11.0pt;
font-family:"Calibri","sans-serif";
mso-ascii-font-family:Calibri;
mso-ascii-theme-font:minor-latin;
mso-hansi-font-family:Calibri;
mso-hansi-theme-font:minor-latin;}