Wednesday, July 31, 2013

Xildh.Warfaa: Tahriibku waa Masiibo Qaran oo aan Xukuumadda lagu eedeyn Karin, waayo Shaqo abuuris balaadhanbaa la sameeyay”.


Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa ( Wadka), ayaa shaaca ka qaaday in Tahriibka dhalinyaradu uu yahay Masiibo qaran oo dawlada iyo shacaba u taala sidii wax looga qaban lahaa, balse aan xukuumadda oo qudha lagu dhaliili karin.




Xildhibaan warfaa oo ka hadlayay Dood ay Ideecadda VOA-du u qabatay  isaga iyo mudane kale oo ka tirsan Golaha wakiiladda, ayaa sidoo kale sheegay inay xukuumadda talada haysaa meel fiican marinayso dedaalka ay ugu jirto aqoonsi raadiska Somaliland, isla markaana golleyaal caalamiya geysay qadiyada waddanka.




Ugu horayn isagoo hadlaya arinta Tahriibka ee xukuumadda lagu dhaliilo inay wax ka qaban wayday, waxa uu yidhi , “Tahriibka dhalinyaradu waa Masiibo qaran oo u baahan in wax laga wada qabto, laakiinse xukuumadda laguma dhaliili karo oo waxay samaysay shaqo abuuris ka badan intii laga filayay, Madaxweynuhuna waakii magacaabay agaasimeyaashii ugu badnaa oo dhalinyaro ah, hore Masuuliyiin badan oo dhalinyaro ah ayaa Golayaasha ugu jiray, markaa arinta tahriibka looma aanayn karo shaqo la’aan ee waxaan qabaa inay tahay masiibo qaran oo dhamaan umadda u taala in wax laga wada qabto”.




Dhanka kale Xildhibaanku isagoo ka hadlay aragtidiisa ku aadan siyaasada Khaarajiga waxa uu ku dooday “Siyaasadda arrimaha dibadu waxay maraysaa halkii ugu saraysay, waxaana la gaadhsiiyay Goleyaal aanay hore u gaadhin, waxaana dhacday markii ugu horaysay in Somaliland iyo Somaliya si toos ah uga wada hadlaan qadiyada Somaliland oo beesha Caalamku dhex-dhexaadiso, arimahaana waxaan u arkaa Guul weyn oo u soo hoyatay dalka”.




Doodda labada Mudan dhex martay ayaa ahayd mid si weyn loogu lafa-guray wax-qabadkii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee saddexdii sanadood ee ay talada haysay, taasoo maalintii sabtida uu soo bandhiga Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com