Tuesday, July 16, 2013

Carruurta Waalidiintood Is-furaan oo Khatar ugu Jira Cudurrada Kansarka iyo Wadne-xannuunka.


(GNA) Khubaro caafimaad oo ka soo jeeda dalka Ingiriiska, ayaa xaqiijiyey in ubadka labadooda waalid is-furaan ay halis ugu jiraan cudurrada wadne-xannuunka iyo kansarka.




Cilmi-baarista dhakhaatiirta Ingiriiska ah sameeyeen waxa ay sheegtay in qoysaska burbura ubadkooda oo yaryar uu sababo in nolosha dambe ee carruurtaasi halis u galaan cudurro khatar ah, korna u kacaan fursadaha ay ku qaadi karaan kansar iyo wadne-xannuun.




Carruurta hooyadood iyo aabbahood kala tagaan inta aanay gaarin 16 jirka, ayaa la ogaaday inuu ku kordho xaddiga boooratiinka la yidhaa C-Reactive (CRP) marka ay gaaraan 44 jir, booratiinkaas oo laga helo dhiigguna waxa uu kor u qaadaa garaac jirka ku bata, kaasoo aakhirka isu beddela cudurrada kanasarka amma wadne-xannuunka.




Daraasaddu waxay ku salaysnayd macluumaad laga helay 7,462 qof, taasoo xiriir la lahayd cilmi-baaris laga qaaday carruurta dalka Ingiriiska.




Cilmi-barayaashan oo ka socday Jaamacadda University College London, waxay sidoo kale  heleen in ubadka qoyskoodu ku dul burburo ay waxbarashada ku liitaan.




Drs. Rebecca Lacey oo khubaradan ka mid ah, ayaa iyadoo arrintan ka hadlaysay waxa ay tiri ‘’Daraasaddayadu waxay soo bandhigtay in furriinku aannu sababin oo keliya xannuunada jirka la soo darisa qofka noloshiida dambe, balse sidoo kale uu faa’iido-darro u leeyahay ilmaha. Tusaale ahaan; xagga waxbarashada oo qofku ku liito, taasoo ah wax in badan la ogaaday markii cilmi-baarisyo qoto dheer laga sameeyey’’.








Waxa kaloo Drs. Rebecca ay tilmaantay in cilmi-baaristoodu hoosta ka calaamadisay in qoysku faa’iido u leeyahay ubadka caafimaadkooda, wada joogga aabbaha iyo hooyaduna carruurta ka badbaadiyo fursadaha ay ku qaadi karaan wadne-xannuun amma kansar ku dhacay markay weynaadaa








 




 




 




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com