Sunday, July 28, 2013

Sadaasha Laga Qabo In Aduunka oo dhan Saacado yar la iskugu socon doono Akhriso


Waxaa dhowaan Lagu guulaystay mashiinka diyaaradaha aadka u dheereeya kaasoo gaadhaya hawada sare (Saaruukh kor u baxaya oo ku soo degaya garoomada dhulka),dunida oo dhana u soconaaya ilaa 4 saacadood.




Engineerada gacanta ku haya mashiinkankan Ayaa cadeeyey inay hawshan ku guda jireen mudo 30 sanadood ah haatana ay u suurto gashay in mashiinkan marka diyaaradaha la saaro uu aad u sahli doono isu safarka qaaradaha kala fog.




Shirkada REL ee iyadu hawshan mudada dheer soo wadey ayaa cadeeyey in mashiinkani markuu hawada sii galoba uu aad xawaarihiisu u sii dheeraynayo. Diyaaraddani waxay Sydney iyo London u kala socon doontaa 4 saacadood oo keliya halka iminka loo kala socdo in ka badan 18 saacadood oo meelna la istaageyn.




Shirkada ayaa shirkadaha sayruuqa cirka u dira ee Yurub hortooda ku tijaabisay qaabka iyo nooca uu u shaqaynaayo mashiinkan xiinka badan marka la saaro diyaaradaha.




Xawaaraha uu ku socon doono ayaa lagu qiyaasay 7242 km/h oo cabirka badaha ah, waxaana la qiyaasaya in mashruucani u baahan doonto lacag lagu qiyaasay $380 milyan, taasoo si yar oo fudud shirkaduhu ku heli karaan.