Monday, July 29, 2013

SLN: Golaha Wada-tashiga oo Shuruud ku xidhay inay Xukuumadda uga tanaasulaan Magacooda iyo Ergada oo dalabkooda ka shiray










Hargeysa(GNA)-Xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland ayaa wali ku xadfan ladqabo siyaasadeed oo ay ka dhex wadaan xukuumadda iyo Golaha wada-tashiga ee dhawaan lagu dhawaaqay.




Waxa labadii habeen ee ugu dambeeyay socday kulamo ay Madaxdhaqameedkaasi ugu kala dab-qaadayaan Madaxtooyada iyo xubnaha golahaasi oo hada u muuqda inay taasul shuruud lagu xidhay u sameeyeen ladqabada salaadiinta.




Xalay waxa kulan yeeshay xubnaha madaxdhaqameedka iyo Golaha wada-tashiga oo ka wada hadlay laba qodob oo dhinacba mid soo jeediyay.




Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulamada ayaa Gobanimonews u sheegay in Madaxdhaqameedku ka dalbadeen Golaha inay bedelaan magaca ay isticmaalayaan ee “GOLLAHA WADA-TASHIGA”, oo ay dawladu u aragto mid maroorsanaya awood sharci oo aan dastuurku jidayn.




Xubnaha Golaha kulankaasi u metelayay, ayaa la sheegay inay qodobkaasi ka aqbaleen Ergada Salaadiinta ah, balse taasi fulinteeda ay shuruud kaga dhigeen inuu madaxweynuhu aqbalo shir-weyne Qaran oo lagaga tashanayo aayaha dalka iyo waxyaabaha ay tabanayaan ee dhanka waddanka.




Waxa la sheegay inay Goluhu cadeeyeen in hadii Madaxweyne siilaanyo taasi aqbalo ay magacooda ku bedelayaan “MADASHA WADA-TASHIGA” oo ah magac cusub oo ay ku sii wadayaan ujeedadii loo aasaasay Golaha markii hore.




Xubnaha Madaxdhaqameedku waxa warku intaasi ku darayaa inay arintaasi ka aqbaleen dhinaca Golaha, una sheegeen inay go’aankaasi madaxweynaha iyo xukuumadda kula noqon doonaan, wixii jawaab uga soo baxana ay ku soo war-celin doonaan .




Dhinaca kale shirka xalay ka dib, Madaxdhaqameedka muranka Golahan ka ergaynaya xukuumadda, ayaa la sheegay inay caawa kulan ku yeesheen Hudheelka Ambasador ee Magaalada hargeysa, kulankaasoo ay dib ugu eegayeen qodobadii ay xaiay isku waafaqeen dhinaca Golaha.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaasi Salaadiinta, balse Ilo-wareedyo Gobanimonews uga waramay ayaa sheegaya inay golaha salaadiintu  shir saacado badan socday ka dib isku waafaqeen inay xukuumadda hor-dhigaan natiijada  wadahadaladii dhex maray dhanka Golaha, una bandhigaan Shuruuda ay Goluhu ku xidheen inay u tanaasulaan qayb ka mid ah rabitaanka xukuumadda.




Lama saadaalin karo halka ay ku dhamaan doonto ladqabada siyaasadeed ee xukuumadda iyo Golaha wada-tashiga laga dhex wadaa, balse dadka ka faalooda arrimaha diyaasaddu waxay iftiiminayaan inuu xal ka soo bixi karo arinta hadii labada dhinacba debecsanaan siyaasadeed muujiyaan.




Golahan ayaa horaantii bishan Jully lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa, waxaanay teer iyo wakhtigaasi xukuumadda dul-wadheen tobanaan Dhaliilood iyo Eedeymo ay u soo jeediyeen Masuuliyiinta xukuumadda qaarkood oo uu madaxweynuhu ka mid yahay.




Xukuumadda ayaa iyaduna eedahaasi si kulul uga jawaabtay, kana diirtay dhaliilaha uga yimi xubnaha golahaasi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com  












/* Style Definitions */
table.MsoNormalTable
{mso-style-name:"Table Normal";
mso-tstyle-rowband-size:0;
mso-tstyle-colband-size:0;
mso-style-noshow:yes;
mso-style-priority:99;
mso-style-qformat:yes;
mso-style-parent:"";
mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt;
mso-para-margin-top:0in;
mso-para-margin-right:0in;
mso-para-margin-bottom:10.0pt;
mso-para-margin-left:0in;
line-height:115%;
mso-pagination:widow-orphan;
font-size:11.0pt;
font-family:"Calibri","sans-serif";
mso-ascii-font-family:Calibri;
mso-ascii-theme-font:minor-latin;
mso-hansi-font-family:Calibri;
mso-hansi-theme-font:minor-latin;}