Monday, July 29, 2013

Ku dhawaad 10 askari oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Ciraaq


Kirkuuk (GNA) Warar ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in in weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay Waqooyiga dalkaasi kaasi oo lala eegtay Kolnyo gaadiid ah .




Qaraxa ayaa ayaa waxaa ku dhintay inta l ogyahay 8 kurdish ah oo ka tirsanaa Booliska sida laga soo xigtay Saraakiisha Booliska.




Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Tuz Khurmatu 70 KM ujirta Waqooyiga magaalada , Kirkuuk waxaana ka sokoow qasaaraha dhimasho ku dhaawacmay 9 kale sida uu AFP u sheegay Sarkaal lagu magacaabo Shahal Abdul.




Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa  ayaa ka taagan murano u dhaxeeya dowladda Iraaq iyo Kurdish-ka laga tirada badan yahay.
.
Sanadkaani gudihihiisa ayaa waxaa ku dhintay dadkii ugu badnaa dalka Ciraaq oo kumanaan gaaraya inkastoo ay hoos u dhaceen ama yaraadeen qalalaasihii dalka ciraaq .




 








 




 




 




 




Saraakiisha ayaa sheegay in Weerarka ismiidaaminta ah  loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa kaasi oo lala bartilmaameedsaday 3 ka mid ah kolonyada gaadiidka ah.




bishaan gudaheeda in ka badan 700 ruux ayaa ku dhintay gobolka lagu muransan yahay.




Bishii u dambeysay ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay labo weerar oo ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Tuz Khurmatu  kuwaasi oo lala eegtay dad dibadbaxayay








 




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com