Friday, July 26, 2013

Hoggaamiyaha diiniga ee Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Masar Oo ku baaqay dibedbaxyo


(GNA) Hoggaamiyaha diiniga ee Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Masar ayaa ku baaqay dibedbaxyo.




Maxamad Badiic ayaa ugu baaqay taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi, inay isu soo baxaan maalinta berri ee Jimcaha.




Maalin ka hor ayuu taliyaha militeriga Masar ku baaqay dibedbaxyo lagu taageerayo ciidanka.




Waxaa uu codsaday in dadka ay isu soo baxaan si ay militeriga iyo boliiska u siiyaan awood ay ugu hortagaan waxa uu ugu yeedhay argegixisada.




Ururrada siyaasadeed ee taageray xil ka qaadista Maxamad Mursi ayaa soo dhaweeyay baaqa taliyaha militeriga.




Hase ahaatee, waxaa ku gacanseyray ururrada taageersanaa Mursi.
Diyaaradaha Maraykanka




Maraykanka ayaa dib u dhigay diyaarado kuwa dagaalka ah oo uu doonayay inuu siiyo militeriga Masar.




Dowladda Qadar ayaa sidoo kale sheegtay in haysashada madaxweynihii xilka laga qaadey ay dib u dhac ku tahay kacdoonkii dalkaasi ka dhacay, ee xilka looga qaaday madaxweynihii hore, Xusni Mubarak.




Militeriga Masar ayaa xilka ka qaadey Maxamad Mursi, ilaa iyo haddana lama oga halka lagu hayo Mursi.




Taageerayaasha Mursi ayaa toddobaadkii afaraad wada dibedbaxyo lagu dalbanayo in Mursi dib loogu soo celiyo xukunka.




Taliyaha militeriga ayaa sheegay in uusan marnaba ka noqon doonin tubta siyaasadeed ee xilka looga qaadey Mursi.




Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com