waxa in badan Bulshada ku soo noq-noqday weedho xanbaarsan aflagaaddo, naxli, xiqdi, xasad, xumaan iyo masabbid oo niman odayaal ahi ka sheegaan Madaxweynaha JSL Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, haddaba aniga oo is leh waxad aqoon fiican u leedahay Taariikhda raggaa iyaga ah iyo Taariikhda M/weyne Siilaanyo gaar ahaan intii ka danbaysey la soo Noqoshadii Madax bannaanida JSL, ayaan doonayaa inaan is bar-bardhigo hab dhaqanka raggaas qaarkood oo ah inta ugu aflagaaddada iyo qaylada badan iyo Mudane Axmed Siilaanyo,
waa rag ka mid ah kooxda isku magacawday golaha la tashiga iyo Badbaadinta Qaranka.
Ragga aan ka hadlayaa waa kuwii ay qaarkood Siilaanyo Halgankii ku wada jireen oo ah inta halhayskoodu yahay halgankiibaa la khasaaraynayaa iyo midhihii halganka ayaannu badbaadinaynaa, kama hadlayo inta markooda horeba aan taariikh la yaqaan lahayn ee sidii geedka garanwaaga dhulka loogu soo galay, ama kuwii iyagoo halganka ku jira Qaahira Siyaad Barre lacagta u dhigay ee dib u soo baxsaday. Anigoo is barabrdhigi doona kuwooda ugu tunka weyn kooxdaa iyo Axmed Siilaanyo.
waxan ka bilaabayaa is barbardhigga ugu horreeya mudane Maxamed xaashi Cilmi iyo Mudane Axmed Maxamed siilaanyo aniga oo qaar kalena ku xigsiin doona sida Ibraahin Dhegaweyne ,Boobe iyo Faysal oo aan la taaariikh ahayn iyaga laftooda, markayse iyagu isla simeen ee la meeqaam noqdeen maxaan uga reebayaa aniguna. ma jecli inaan qaarkood waqti iskaga khasaareeyo waayo waa nooca la yidhaahdo dameeri dhaan raacday.
Maxamed Xaashi Goorma Ayuu Bilaabay Nacaybka Siilaanyo
Aan ka bilaabo su’aashaa iyo jawwabteeda si ay u fududaato fahamka goorta ay dhamaan doonto mucaaradnimada Maxamed xaashi
Waxa ay la kowsatey colaadda Maxamed xaashi uu u hayo Siilaanyo halagnkii ay ka wada midka ahaayeen, iyada oo ku salaysan nacayb shakhsiyadeed oo uu Maxamed xaashi u qaaday Siilaanyo isagoo aan aqoon badanba u lahayn 1984kii waa markii Siilaanyo loo dooranayey Guddoomiyaha SNM,
Siilaanyo oo aan doonan xilka guddoomiyennimo ee SNM ee umaaddii halganku ka dhexeeyey la jeclaatay iyagoo u arkayey inuu yahay nin oday ah, masuul ah, oo halganka debed iyo gudaba wax ka tari kara, danta halgankuna ku jirto. waxase uu shardi uga dhigay inuu xilka qabto inay si buuxda isula oggolaadaan inta halganka ku wada jirtaa, isagoo u arkayey in haddii halganka bilowgiisa lagu qaybsamo aanu soconayn, haddaba Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa mushkiladihii markaaba halganka ka dhex jirey waxa uu ahaa qofka keliya ee diidey Siilaanyo inuu guddoomiye noqdo iyadoo aanu ku wehelin qof labaad (hadda ma ogtihiin in kelinimadu ay caado u tahay), ogaada hadda Daahir Riyaalena waa kii ku lahaa markuu xilka ka qaadaeyey markaad golihii keli ka noqotay.
siilaanyo oo amaan looga dhigo guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM in kastoo anigu aanan amaan u aqoon ee aan u arkayao in qiimo ka badan oo uu halganka ku lahaa lagu qarinayo kelmeddaa, waayo waxa uu halgnakii ku lahaa taariikh intaa ka mug weyn oo ka ballaadhan haddaan is ishaahdo kelmed ku soo ururi waxan odhan karaa (Siilaanyo Intii uu halganka madaxda ka ahaa waa Intii SNM taabba qaadday hawl-gallada ugu waaaweynina dhaceen sida dagaalkii Buuraha 1984kii iyo Gudo galkii dalka 1988kii, (miyaanu ahayn kii carruurtu ku hadaaqi jirtey 1984kii-1988kii (Siilaanyo Dhaley wuu dhacay Siyaad).
Keebaa dhawra taariikhdii iyo midhihii halganka ma Maxamed Xaashi mise Siilaanyo?
Waxyaalaha uu Maxamed Xaashi ku andacoodoama ku afgobaadsado waxa ka mid ah waa in la dhawraa midhihii halganka, waa runtii oo waa in la dhawraa, laakiin keebaa dhawraya labadooda markaad eegto dhacdooyinkan?
Lama hayo siilaanyo oo dafiraya ama sheegaya in SNM taariikhdeedii dhamaatay, laakiin Maxamed Xaashi waxa fagaare lagaga hayaa SNM UDUB ayay dhashay waa markii uu Noqday wasiirka ganacsiga Xukuumaddii ugu horraysey ee Daahir Riyaale, taa macneheedu miyaanu ahayn taariikhda umadda jiritaankeedu iyo taariikhdeedu waxay ku xidhan tahay inta mansab uu hayo jiritaan la'aanteeduna waxa ay ku xididan tahay in xil la'aantiisa.
keebaa Dhaqanka qabyaaladda caan ku ah ma Maxamed Xaashi mise Siilaanyo?
Maxamed Xaashi waxa uu ku celceliyaa siilaanyo waa qabyaaladayste iyo waa musu-maasuq, iyadoo horena looga hayey weedh taa ka duwan oo uu ku leeyahay i "Siilaanyo qabayaalad iyo Musuq midna dabeecad uma laha" waana taa ta uu runta ka sheegay.(Markhatina waxa ugu khayr badan ka uu cadawgaagu kuu furo)
ma filayo inuu jiro qof reer Somaliland ah oo aaminsan in siilaanyo uu dhaqan u leeyahay ama yaqaanno qabyaaladda hoose ee liidata, waxana laga arki karaa taariikhiisa kala duwan, laakiin Maxamed Xaashi qabyaaladdu waxay u tahay dhaqan aasaasi ah oo lama taabtaan ah, mana laha meel ay ku dhamaato waxaanayy ula dhaadhacdaa halka ugu hoosaysa, bal ila eega dhacdooyinkan:
1. Markii lagu jirey halganka ee uu hayey dhaqaalaha waxa uu u kala qabyaaladayn jirey dhaawaca deegaammada Galbeedka ee uu dhaqaaalahooda si isku jir ah gacanta ugu hayey marka uu waayey meel ka sarraysa oo uu wax ka qabyaaladeeyo.
2. waxa laga reebay kelmed ma hadho ah taas oo hal hays noqotay 1997kii markii uu la tartamayey AHN Maxamed X.Ibraahin Cigaal iyo Saleebaan Maxamuud Aadan isga oo ku jira ololihiisii doorashada ayuu maalin maalmaha ka mid ah la shiray Reer ka mid reeraha dega Somalilanad, waxana hadalladiisii uu ku ololaynayey ka mid ah yaa reer Hebel (H/J) hadday kursiga ku fadhiistaan yaa cashuurta uga soo qaadaya Gebiley, taas oo isaga ololihiisii wax yeello ku noqotay, kaddib markii qoladii uu la shirayey oo Harti ahayd ay ka dareertay iyagoo ku yidhi kuwii aad is xigteen ayaad waxaa ka aaminsan tahaye maxaad annaga noo soo waddaa.
3. intii uu joogey wasaaradda maaliyadda waxa uu shaqaalaha wasaaradda intii ugu badnayd ku ururiyey hal qoys, markii la wadiiyey wuxuu sida u samaynayana waxa uu ku jawaabey "anigu qabyaaladda ma aqaanne qalinkayga ayaa yaqaanna" waa yaabe qalinka miyaanu isagu lahayn oo gacantiisa ku qorayn ma siilaanyaa noocaas ah.
4. waxa uu qandaraasyada siiyey aqalkiisa , oo ah wiilkiii xaaskiisu dhashay ee guriga kula noolaa, ma siilaanyo ayaa sidaa u dhaqma.
5. waxa uu ganacsatadii sharaabka keeni jirtey ka joojiyey sharaabkii debedda ay ka keeni jireen, isaga oo dadka ka dhaadhiciyey warshadbaa dalka gudihiisa laga furay, xaqiiqduse sidaa may ahayne waxa uu u joojiyey xaaskiisa ayaa wakiilka sharaabka warshadda ee Hargeysa la siiyey taas ayaanu u joojiyey, ma siilaanyaa noocaa u shaqeeya
Keebaa dalka u Lexejeclo badan ma Maxamed Xaashi mise Siilaanyo?
waxa uu ku celceliyaa oo hal ku dhig u ah Maxamed Xaashi dalkan Siilaanyo lexejeclo kama laha, bal haddaba dhacdooyinkan isu eega oo ka bogta markaas ayaad ka marag furaysaan labadooda (siilaanyo iyo Maxamed xaashi) ka dalka u lexejeclo badan.
1. Maxamed Xaashi waxa halku dhig u ah oo markuu hadlaba uu ku celiyaa “waa lays dilayaa”, weli Siilaanyo qofkee ayaa afkiisa ka haya is kelmedaha isdil, dagaal awood iwm intii halganka ka danbaysey.
2. Maxamed Xaashi miyuu la wadaagaa Siilaanyo hal ku dhigyadan iyo go'aammadan soo socda ee qadhaadh ee danta guud ee ummadda uu u sameeyey, haddiise Maxamed xashi jaanisyadani soo mari lahaayen Go’aammadaa siilaanyo ka qaatay ma ka qaadan lahaa. Ma filayo umana eka inuu sidaa yeeli kari lahaa
A. 1997kii markii uu Hargeysa ka socdey shirweynihii 3aad ee beelaha Somaliland Magaalada Beerna uu ka socdey shirkii Nabadaynta oo aan aaminsanahay inuu saldhig u yahay nabadda ilaa hadda somaliland haysato taas oo siilaanyo uu qaybta ugu weyn ku lahaa, ayaa rag waaweyn oo xilal sare ka hayey qaranka ay yimaadeen Beer oo ay dooneen inay Siilaanyo ku dirqiyaan in shir beeleed kale Beer lagu qabto.
Jawaabtii Siilaanyo: "Halkan Cali Mahdi iyo Caydiid Ka dhigi maayo waxan laga nabdayaana waa colaad markaa midna miyaan damiyaa midna miyaan huriyaa taasi dhici mayso". waa iga su'aale Maxamed xaashi taa ma samayn lahaa
B. 2003dii markii doorashada laga boobay ee weliba la yidhi 80 ayaa lagaaga helay, oo been ahayd sida faysalba qiray markuu Siilaanyo ergada u soo diray ee uu lahaa "doorashadii waad heshaye Dawladdana wax iga sii Kharshkii iga baxayna ii celi", waxa rag badan oo waaweyni oo ay ka mid yihiin kuwo ay hadda Maxamed Xaashi isku koox yihiin kula taliyeen inuu Dawald dhiso
Jawaabtii Siilaanyo: (ma waxay idinla tahay oo aad ku talinaysaan inay laba dawladood labadaa aqal (Aqalka Siilaanyo iyo Madaxtooyada) ee isu muuqda ka wada jirayaan sow dagaal maaha waxaad u jeeddaan, dagaal siduu u bilowda waa la yaqaan siduu ku dhamaadose lama yaqaan.
Mar labaad ayaay ku yidhaahdeen annagaa ciidan haynnee aynnu dagaallano
Jawaabtii Siilaanyo: (la odhan maayo oo taariikhda ii geli mayso kursi Siilaanyo Doonayo ayuu qof ku dhintay).
Mara saddexaad ayay haddana ula yimaaddeen aynnu ridno dawladda ina Riyaale.
Jawaabtii Siilaanyo: (dawlad baan ridey oo caalamkii oo dhami dhisi kari la'yahay mid kale oo inay dhismayso aanan hubin ridi maayo)
Waxa is weydiin leh Maxamed Xaashi:
1989kii Markii C/raxmaan Tuur AHN uu tirada yar kaga helay hadduu awood u leeyahay ma uga hadhi lahaa? odhaadiisii waa macruuf
1997kii markii Maxamed X. Ibraahin Cigaal AHN uu Labada cod baday ee weliba mid khajilaadda lagaga bi’inayey waa sidii hadalka uu u yidhi ninkii labaade haddii uu awoodi karayo ma uga hadhi lahaa? Wuxuu ka yidhina way qoran tahay.
2003dii isaga 80 iska daayoo 80,000 laga heli lahaa ma yeeli lahaa?
Dulqaadka, dad wadka iyo aargoosi la’aanta Siilaanyo
Taariikhda laguma hayo Siilaanyo oo weli sameeyey aargoosi siyaasadeed iyadoo laga galay intaasoo godobood taasina waa calaamadaha Hogaamiyaha dhabta ah.
Bal ila eega dhacdooyinka hadda Taagan ee marag ma doonta ah.
a) Waxa uu wasiir ka dhigay oo xukuumaddiisii ugu horraysey ku soo daray isagoo wasaaraddii ugu mudnaydna u dhiibey ninka Siilaanyo ugu neceb Somaliland oo dhan isaga oo aan eegin godobihii siyaasadeed ee uu ka galay.
b) Waxa uu wasiir ka dhigay kii maalintii Doorashadu dhacaysey 26 June 2010kii afduubka u geystey inammadii kulmiye uga shaqaynayey Gobol ka mid ah gobollada dalka
c) Waxa uu wasiir ka dhigay oo weli ah kuwii markii ololaha lagu jirey TV-yada ka lahaa weedhihii yaq-yaqsiga lahaa ee shakhsi cayga ahaa.
d) Waxa uu wasiir ka dhigay oo weli ah kuwii markii ololaha lagu jirey TV-yada ka lahaa odaygu Xannaano ayuu u baahan yahay ee xil uma baahna.
Yaa kale sidaa samayn kari lahaa ma adiga mise raga aad wada joogtaan?
taas ayaa macneheedu yahay ilaalinta midhihii halganka
.
midhaha halganku miyaanay hayn qarannimada oo la ilaaliyo.
waa kuma ninka reer Somaliland ee siyaasiga ah ee g'aammadaa qaadan lahaa,
ma rumaysan karnaa oo ma dhegaysan karnaa Siilaanyo dalkan iyo dadkan u tudhi mayo oo la jeclo kama hayso.
waxan leeyahay Maxamedow Inaadeer maad iska nasatid oo nafta kugu jirtaa way ciqaaban tahaye u tudhid.
inanka la hadal hayo ee raga waaweyni isku wareeriyeen waa Xirsiye waxan ka odhan karaa oo keliya intii ilma Nebi Yacquub ka yidhaadeen walaalkoodii nebi Yuusuf oo ahayd inay ka xumaadeen oo keliya inuu odaygu ka yara jeclaa marakaas ayay yidhaahhdeen (Dila Yuusuf Ama anbiya si aabbihiin wejigiisa aad ugu keliyaysataan) intaa ka badan ka odhan maayo waa uun xaasidnimo keliya.
la soco qaybaha danbe iyo rag kale
Cabdiqaadir Ahmed Xuseen
Hargaysa Somaliland.
Email. qaadiro12@gmail.com