Monday, July 29, 2013

Warancadde: Milicsi Nololeed iyo Mahadhada Jidkii Maamul-tayaynta Somaliland‏


Mar kale iyo qoraalladii raad-raaca Sooyaalka Mudanka waxa aynu ku eegaynaa Cali Maxamed Warancadde oo imaka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, sidoo kale xilal badan oo heer wasiir ah sida Duulista Hawada, Ganacsiga, Waxbarashada, Warfaafinta, Caafimaadka iyo kuwo kale ka soo qabtay Xukuumadihii Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, kana mid ah siyaasyiinta ku suntan hawl-karnimada iyo wax-qabadka muuqda.




Cali Maxamed Warancadde waxa uu ku dhashay 1951-kii Hargeysa isagoo isla caasimadda ku barbaaray. Magaca hooyadii waa Busaad Ismaaciil.. Carruur gaadhaysa illaa siddeed isugu jira wiilal iyo gabdho ayuu la dhashay. Laba xaas ayuu leeyahay tirade ubadkiisuna waxa ay gaadhayaan siddeed. Taxanaha waxbarasho waxa uu Quraanka ka bilaabay Degmada Alley-baday oo uu la joogay aabbihii oo sakari ahaa, isagoo u soo wareegay Hargeysa kuna biiray malcaamad faras-magaalaha ku taallay oo Al-fallaaxa la odhan jiray. Dhanka dugsiyadana waxa uu ku ka bilaabay dugsi la odhan jiray Abu-site oo Hargeysa xaruntiisu ahayd, isaga oo dugsiga dhexe ku jira ayuu shaqo bilaabay waxaana loo beddelay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka galay Dugsiga sare isagoo dhigan jiray iskuulkii “Allaahida”. Ardayda uu aqoonta la qaatay waxa ay u badnaayeen Koonfurta Soomaaliya, bareyaashiisana waxa ugu mug roonaa kuwo Masaari ah.




Intaas kaddib waxa uu hawl-wadeen ka noqday Wasaaraddii Arrimaha Gudaha Somaliland waxaana loo diray 1977-kii kooras jaamacadeed oo dalka Ruushka ahaa, , sidaasna waxa uu ku hantiyay tacliin heer jaamacadeed ah. Kolkii uu waddanka ku soo laabtay waxa uu taliye-ku-xigeen u noqday laantii dal-ku-galka (passport) oo uu haystay Nuur-Bidaar.




Qoyska uu ka soo jeedo gaar ahaanna aabbihii waxa uu ahaa sarkaal ciidan, awoowgiina waxa uu ahaa odayaasha beelaha u taliya. Cali Maxamed Warancadde waxa uu yaraantiisii jeclaa inuu noqdo hoggaamiye gaar ahaanna dhanka milatariga, kamana ay madhnayn dhanka madaxnimada kale ee qaran iyadoo ay taasna saamayn ku lahaayeen waalidiinta uu ku abtirsado.




Markii uu muddo joogay xarunta baasaboorrada ayaa waxa loo doortay inuu qunsul ka noqdo safaaraddii Soomaalida ee Liibiya, waxaase isku dhacay labadii dawladood iyada oo uu aakhirkii si xeelad ah uga baxay Liibiya oo uu galay Tuunis.




Inkasta oo uu Warancadde si habsami ah uga soo baxay shaqadii Qunsulnimo ee uu Liibiya ka hayay, markii uu soo laabtay waxa ammaan badan ujeediyay hormoodka Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo u sheegay in Tuunis loo beddelay. Laakiin waxa uu arrin la-yaab leh, waxaana la doonay in xil hoose looga magacaabo wasaaraddii arrimaha Gudaha, waxaana arrinkan la doonay masuul ay hore isugu dhaceen. Taasina waxa ay sababtay inuu faraha ka qaado shaqadii uu u hayay xukuumaddii Soomaaliya, isla markaana uu u wareego dhanka ganacsiga.




 




Isaga oo Warancadde muddo door ah ku dhex jiray hawlaha ganacsiga waxa uu is-beddel mug lihi ku yimi dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, inta badanna waxa taladii la wareegay jabhadihii dagaalka kula jiray Kacaankii Miltariga oo ay hormood ka ahaayeen dhaqdhaqaaqa SNM oo si buuxda gacanta ugu dhigay Somaliland horraantii gu’gii 1991-kii iyo Jabhadihii USC iyo SPM ee ay kala hoggaaminayeen Alle ha u naxariistee Maxamed Faarax Caydiid iyo Axmed Cumar oo hantiyay Gobolladii Koonfureed ee Soomaaliya.




 




Guushaas markii la gaadhay waxa loo diyaargaroobay dhismaha qaranka Somaliland, waa kan Warrancadde oo ka warramaya shaqooyinkii la qabtay markii meesha laga saaray nidaamkii keli-teliska ahaa iyo doorkii uu ka qaatay dhismaha iyo xasilinta Somaliland, waxaanu yidhi “Markii dalku xoroobay isla markaana nidaamkii Siyaad Barre hormoodka ka ahaa laga saaray Muqdisho lana kala baxay waxa aan ka mid ahaa raggii u horreeyay ee Somaliland yimaadda waxaanan ka qayb qaatay dib u habaynta dawladnimada Somaliland, illaa maalintaas illaa imaka oo laba iyo labaatan sanno laga joogo waxa aan ka shaqaynayay sidii waddankani wax u noqon lahaa, dawladnimadiisana u adkaysan lahaa, wixii aynu ku dhimannay ee dadkeenna loo laayayey, magaalooyinkeenna loo burburiyay ama wixii aynu dharaar kaga kacnay sooyaalkii iyo hantidii aynu dhawrka boqol ee sanno haynnay ee looga qaxay caasimadaheenna sida Boorama, Berbera, Hargeysa iyo Burco inay rumoobaan, waayo waxa aynnu Soomaaliya ula dagaallanay dhibtaasna u marnay sidii aynu gobanimadeenna u hantiyi lahayn waxaanan guntiga u xidhnaa intii madax bannaanida dib loo hantiyay sidii himiladeenna gooni isu taaggu u hirgeli lahayd. Aad baan ula yaabaa dadka u dhashay Somaliland ee innaga oo waxaas oo dhan soo marnay dib u jalleecaya Xamar”




 




Sideedaba marka ay jabhad hubaysani geyi la wareegto waxa soo wajaha xaalado murugsan oo ay ka mid yihiin dhaqaale-xumo, dhisidda nidaamka oo muddo qaadata, shacabka oo hubku gacanta u galo iyo turunturrooyin ragaadiya hirgelinta kala dambayn rasmi ah, markii ay SNM maamulka dalka hantiyeen waxa ka horyimi dhibaatooyin, laakiin guulaha ay gaadheen ayaa wax walba ka badnaa sida xoreyntii dalka, ku-dhawaaqiddii gooni isu taagga, nabadgelyo ay u kala saxeexdeen beelaha Somaliland iyo kuwo kale.




 




Md Cali Warancadde oo la weydiiyay waxyaabaha ka horyimi xukuumaddii uu C/Raxmaan Axmed Cali madaxweynaha ka ahaa iyo doorkii uu qaatay hagaajinta maamulka dawladnimo ayaa ugu horreyn dhaqdhaqaaqii SNM ku bogaadiyay halgankii naf-hurka ahaa ee ay aayaha ummadda ku badbaadiyeen, waxa kale oo xusay duruufo laga garaabi karo oo hagardaamo ku noqday socodsiinta hannaankii dawladnimo ee Somaliland, isaga oo taas ka sheekeynaya waxa uu yidhi




La Soco Qaybta Labaad Haddii Alle idmo




Siciid Maxamuud Gahayr
Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista
saedmgahair@hotmail.com
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair