Sunday, July 28, 2013

Kiiskii Taliyaha Sirdoonka Gob/Saraar Lagu dilay iyo Shidaal badhistii Laga waday Gobolka oo Isku Milmay.






Mudadii ay timid Shirkada Macdan Baadhista ee Somaliland waxa bilowday guuxbadan oo ay wadeen rag kasoo jeeda Beesha Reer Yoonis oo ay ku sheeganayeen Deegaanka Gobolka Saraar iney leeyihiin kaa soo laga arkayey warbaahinta Dalka oo dhan, waxaana jiray iney Ciidamo iyo kharash isasaareen kaa soo loogo hortegayo Shirkada Macdan Baadhista ku waasoo oo ay kala geeyen aaga Waridaad iyo Ceynaba si Shirkadaa u eryaan.




Hadaba isla mudadaas waxa uu Madaxweynuhu soo saarey wareegto amreysa inay Ciidamadu gacan bir leh ku qabtaan cid alaale cidii hor istaagta Macdan baadhista wadanka ka socota.




Waxaa kaloo jirta in dhamaan labedelay Maamulka Gobolka sida Badhasaabka iyo Taliye Qeybeedka Boliiska kuwaasi oo aan udhalan Gobolka kalana aqoon dadka dega Gobolka taasina waxey sababtey in Taliyahaa la'dilay la bar tilmaamedsado madaama isagu ahaa deegaanka waxaa kaloo jiray in taliyahaa ladilay dhowrjeer loogu dhaartey in la dilayo hadii aanu howlahooda fara kala bixin,taasoo oo ugu dhaartey Maayarka iminka Maamulka haya Dowlada Hoose.




Waxaa kaloo jiray markii ay Shirkadu timid Magaalada Ceynaba ee 16/4/2013 oo ay ahetd matkii ay shirkadu lashireysay Beelaha Deegaanka in isagana loogu dhaartey Caaqilka Reerka Cali Xirsi Axmed,oo ay ugu dhaarteen Caaqilo kale maalintaas oo aheyd maalita ladilay Taliyaha Sirdoonka.




Maalintaas oo laga dareemayey magaalada dhaq'dhaqaaq Ciidan hubeysan kaasoo loogu wargeliyay Taliyaha Qeybta Boliiska intii aanay waxba dhicin iyo dhaq'dhaqaayo muusanow magaalada dhexdeeda ahaa oo ay wadeen nimankaa dilka geystay Jeelkana u dhacay.




waxaa kale oo jidhay in ciidamada iyo hubka la soo tubay badidoodii ay keeneen Caaqilka Reerka Beesha wax dishay iyo ninka haysta Xawaalada Dahabshiil ee Ceynaba.




waxa kaloo cadaan ah in maalintii ee dabaaldega ay inan u soo xidheen Calankii Soomaaliya soona mariyeen fagaaraha dabaaldega lagu qabanayey islamatkaana ay qabteen ciidanka Booliiska dabadeedna la sii daayey.




Hadaba iminka waxa anu aragnaa in kuwii jabsaday Jeelka ee dilay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka ee Kharashkooda iyo lacagtooda ku bixinayey falkaa foosha xun geystay, ay haderna Dowlada ay kala hadleyso arimaha Macdan Baadhista ee Gobolka Saraar.




Hadaba hadii aanu nahay Reerka laga dilay Marxuum Axmed Ceydiid Alaha u naxariistee waxa aanu u aragnaa in Kiiskii Taliyaha Sirdoonka ee ladilay iyo Shidaalkii laga baadhayey Gobolka ay isku milmeen iyada oo laheyd mudooyin fara badan oo ay ugu danbeysay tii uu joogay Wasiirka Madaxtooyada ee Xirsi taasoo ay ku ekeyd 29/6/2013,




Hadaba hadii aanu nahay Reerka laga dilay Marxuumka Axmed Ceydiid Bootaan, waxa aanu Dowlada Somaliland iyo Dadweynahaba u sheageynaa in aanu cid danbe oo aanu kala xidhiidheynaa aaney jirin.




Diyaariye; C/kariim Axmed Ceydiid,





1-Cali Caydiid Bootaan




2-Yusuf Cawil Bootaan




3-C/rishiid Axmed Ceydiid




4-Carab Geele Bootaan




6-C/qani Faarax Bootaan




7-Ismaaciil Faarax Bootaan




8-Cali Faarax Bootaan




9-Cawl Carab Geele




10-C/llaahi Carab Geele





  • Wabilaahi Towfiikh