Tuesday, July 30, 2013

Hargeysa oo uu ka Da’ay Roob Socday Muddo 6-Sacadood ah.


Hargeysa(GNA) Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxa ka da’ay Roob xidhiidh ah oo Xanibay isku socodkii magaalada, Roobkan ayaa Bilaamay Sacadu markii ay ahayd 5:00 Galabnimo  ee galabta sacada Geeska Afrika, waxaanu qaaday Sacadu markii ay ahayd  10:00 Habeenimo ee caawa , Roobkan oo ahaa mid lagu diirsay ayaa hadana Xafada qaar ee magaaalda hargeysa Dhibaatooyin sahlan uu soo gaadhsiyey oo roobka oo guryaha dadka ugu galay, Roobkan ayaa kii ugu weyna ee Sanadka ka da’a magaalada hargeysa, roobkan ayaa  ayaa dhamaan isku socodkii magaalada xanibay xiligan oo aynu ku jirno bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa hada caweykii ay camirnaayeen dhamaan masaajidad magaalada halkaana dadku isu diyaarinayay salaadii cishaa,i iyo taraawiixdii. dhanka kale
magaalad hareysa ayaa suuqyadeeda dhana ka camirnaayeen dhana ay dadku iska sugayeen inta raxmada eebe ay da-ayso.
 mar aanu laxiidhiidhay caawa fiidkii booliska heeganka ku jira wax khasaara ah oo uu roobkaasi geystay nooma  ay sheegin.
waxa ka soo kordha nimcadaa caawa lagu qabowsaday hargeysa iyo nawaaxigeed xaga danbe ayaanu idiinku soo sheegi doonaa.








 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com

 .