Sunday, July 28, 2013

Man City Oo Ku Guuleysatay Barclays Asia Trophy Ka Dib Markii Ay Garaaceen Sunderland.


 








Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka saaxiibtinimo ee Barclays Asia Trophy oo ka socday Hong Kong ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen kooxda kale ee Premier League ka dhisan Sunderland.




City oo semi-finalkii ka soo talaabsatay South China ayaa finalka waxa ay maanta ku kulmeen kooxda Sunderland oo iyadana hore uga soo talaabsatay Spurs.




Goolka qura ee kooxda Sky Blues ku badisay ayaa ahaa gool cajiib ah oo uu shabaqa si wacan u dhex dhigay xiddiga reer Bosnia Eden Dzeko kaasoo dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.




Kulankaan oo saameyn weyn uu ku yeeshay roobab xoog leh oo xilligan ka da’aya Hong Kong ayaa keentay in jawiga garoonka uu noqdo mid aan hagaagsaneyn.








 




 




Si kastaba City ayaana hanatay koobka saaxiibtinimo ee labadii sanno mar lagu qabto Asia oo ay ka qeybgalaan seddex kooxood oo Premier League ah iyo kooxda martida loo yahay ee Asia ka dhisan.




2011 waxaa koobkaan saaxiibtinimo hanatay kooxda Chelsea iyadoo isla Hong Kong lagu qabtay