Horumarka iyo dib-u-dhacuba waa laba arimood oo saameeya Deganaanshiyaha dal iyo nolosha dadkiisa. Sidoo kale, waxay raadayn ku yeeshaan wadamada dariska iyo dunida inteeda kaleba. Waana min-qiyaaska lagu cabiro tayada iyo sifaha hogaamineed ee Madaxda ka talisa Dal ama Dawlad ka jirta dunidan aynu ku nool nahay.
Horumarka waxa fure u ah Nabad iyo Xasilooni , iyana waxay ku timaadaa in la helo , lagu dhaqmo oo la fuliyo Sharciga iyo Xeerarka ay ummadi dhigato. Haddii tani dhaqan gashana waxaa sugnaanaysa oo la helayaa cadaalad , sinaan iyo kalsooni ka dhex curata Madaxda iyo Shacabkooda. Maxsuulkeeduna waa horumar laga sameeyo dhinacyada Barashada aqoonta sare, tayaynta iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad iyo guud ahaan baahiyaha bulshada ee aa-aasiga ah .
Haddaba , ujeedada maqaalkaygan ama aan idhaahdo fariintaydan oo aan maanta Qalinka iyo Warqada isku dul-dhigay inaan halkan ku iftiimiyo Horumarka iyo Maamul-wanaaaga ka tisqaaday dhawrkii Sanadood ee u dambeeyey Dawlad –degaanka Somalida Ethiopia ee aynu dariska nahay oo aan hore uga hadlay/ka qoray horumarka gudaha DDSI ka qabsoomay. Haseyeeshee, waxaan maanta tooshka ku iftiimin doonaa Saamaynta horumarkaasi ku yeeshay Wadamada dariska la ah ee ay kamid ka yihiin Somaliland iyo Somaliya.
Marka hore , bal aynu soo qaadano dhinaca Horumarka iyo Isbedelka dhinacyadda Jaamacadaha iyo Machad-yada lagu barto Aqoonta sare ee ay seeska u dhigeen Masuuliyiinta Dawlad degaanka Somalilad Ethiopia gaar-ahaan Caasimada Jigjiga iyo fursadaha ay u abuurtay dhalinta kasoo kala jeeda Wadamada Somaliland iyo Somaliya(puntland) oo aynu ka tilmaami karno Ardaydii dhamaysatay Kuliyada caafimaadka ee Jigjiga oo ay ka qalin jabiyeen in ka badan 759 Arday oo ay kamid ahaayeen 28 kasoo jeeday Somaliland iyo 18 ka socday Somaliya(puntland) iyada oo tiro aad u badan oo Arday ah oo kasoo kala jeeda wadamada dariska ay sidoo kale ku guda jiraan Waxbarashada sare ee Jaamacadaha iyo Machadyada Jigjiga .wakhtigan la joogo.
waxa kale oo aynu la soconay/ka warhaynay Wufuudii balaadhnayd ee Wasiirada Somaliland iyo Somaliya(puntland) ee goob-jooga u ahaa xafladaa qalin jabinta Ardaydaa aynu sare kusoo xusnay. Waxaana xusid mudan inay tani ahayd markii u horeysay ee arday kasoo kala jeeda Dawladaha dariska ay dhamaystaan Waxbarashada Aqoonta sare ee Jaamacadaha Jigjiga , ayna kasoo qayb-galaan Masuuliyiin heer Wasiiro ah oo kasoo kala jeeda wadamada aynu kor kusoo sheegnay.
Arinta labaad waxay tahay; Isbedelka balaadhan ee Maamulka DDSI ka hirgaliyey Xarumaha caafimaadka ( hospitals) ee Dawliga ah oo leh adeegyo aad u sareeya , taas oo soo jiidatay dadweynaha kasoo kala jeeda Wadamada dariska . iyaga oo markii hore ka raadsan jireen Wadamo kale iyo waliba Caasimada dalka Ethiopia ee Addis-ababa. Xogo sugan oo aan helay waxay tilmaamayaan shacabka wadamada dariska la ah DDSI ee arimo caafimaad u socdaa inay si joogto ah u yimaadaan goobaha caafimaad ee dawliga ah ee Jigjiga.
Arinta seddexaad; iyana waxa weeyi dhinaca Casriyeynta Madaarka Caasimada Jigjiga oo ay sanadihii u dambeeyey DDSI ka dhigtay mid caalamiya ,taasi waxay u fududaysay shacabka ku nool wadamada jaarka la ah DDSI inay si joogto ah u isticmaalaan madaarka jigjiga haddii ay tahay bixid iyo kasoo degidba iyada oo waliba ay intaas ay sii dheertahay in madaxda wadamada darisku ay iyaguna kujiraan cida ka faa-idaysata adeegyada sare ee ka hirgalay Madaarkaa jigjiga.
Gabagabadii, qoraal kooban sida kan oo kale laguma dhamayn karo talaabooyinka waxqabad ee uu ku talaabsaday Hogaamiye/Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar , haseyeeshee fariintayda waxa weeyi oo aan odhan lahaa Horumarka DDSI ay degaankeeda iyo dadkeeda u horseeday ee waliba ku fiday Wadamada dariska la ah waa mid waajib ku ah cid wal oo caqli leh oo jecel horumarka inay ku bogaadiso. Waana Isbedel iyo horumar balaadhan oo aanay qaban Madaxdii tirada badnayd ee usoo kala dambeysay hogaaminta DDSI, waxaanan ku cabiri karaa kelmeda ah waa “Illeys ka iftiimay mandaqadan aynu ku noolnahay.”
Cabdirisaaq Askar
Hargeysa, Somaliland