Wednesday, July 31, 2013

Abdaal:Bilayska Saaxil oo Xabsiga ku guray Tobaneeyo qof oo Taageeray Golaha Wada-tashiga iyo Muj.Wadne oo ku Eedeeyay Madaxtooyada


Abdaal(GNA)-Ciidamada amaanka ee Gobolka Saaxil, ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen dhawr iyo toban qof oo rayid ah oo laga qab-qabtay Maanta Magaalada Abdaal oo ka tirsan Degmada Mandheera ee gobolka saaxil, kuwaasoo lagu eedeeyay inay Taageero u muujiyeen Golaha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa.




Xadhiga dadkan oo ay ku jiraan Dumar la qabo iyo dhalinyaro, ayaa lagu soo waramay inuu ka dambeeyay, ka dib markii ay Warbaahinta ka hadleen, isla markaana taageereen Golahaasi, iyagoo daba socda hadalo hore uga soo yeedhay xubno degmadaasi Warbaahinta kula hadlay oo cambaareeyay Golah.




Goob-joogayaal ku sugan Magaalada Abdaal, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Ciidanka Bilaysku garaacis iyo hadidaad u geysteen dadkaasi markii ay qab-qabanayeen, isla markaana haween Xaamilo ah nabaro gaadhsiiyeen.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dadkaasi ay sideed ka mid ahi ku xidhanyihiin Magaalada Berbera, mid kale ku xidhanyahay Hargeysa, halka tiro kalena aan la xaqiijin meesha ay ku xidhanyihiin, iyadoo sida Gobanimonews warka ku heshay ay ka hadleen Telefishanka Somsat ka hor intaan la xidhin.




Muj. Axmed Ibraahim Maxamuud (Wadne) oo ka mid ah Wax-garadka Gobolka Saaxil, xubina ka ahaa Aqoonyahano shalay Warbaahinta ka taageeray Golahaasi ayaa Gobanimonews uga waramay xadhiga dadkaasi “waxaa dhacday Maanta in ciidanka Bilaysku dad gaadhaya 21 qof oo  u badan Dumar ay ku jiraan kuwo Uur leh iyo dhalin yaro reer Abdaal ah laga soo qab-qabtay Magaaladaasi, ka dib markii ay dareenkooda cabireen, iskana leexiyeen hadalo ay hore uga yidhaahdeen warbaahinta shaqaale dekedda Berbera laga qaaday oo inta abdaal la keenay lagu yidhi cambaareeya golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, arintaasoo markii ay ka war heleen iyaguna maanta cadeeyeen inay taageersanyihiin golaha”.




Muj. Wadne ayaa intaasi ku daray “waxa kale oo dhacday in tacadi iyo dhibaato loo geystay dad jilicsan oo magaalada jooga oo dumar xaamilo ah u badan, magaalada abdaalna waxa lagu wareejiyay Ciidan oo gaadh ka haya, waxaasna waxa ka dambeeya oo markii horena shaqaalaha Dekeda Magaalada inta uu geeyay arimaha siyaasada ka hadla yihi iminkana amarka dadka lagu xidh-xidhay ka dambeeya Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Taliyaha Saldhiga dekeda horteeda ku yaala”ayuu Gobanimonews u sheegay.




Aqoonyahankan ayaa dhinaca kale xadhiga dadkaasi iyo dhibaatada loo geystayba dusha ka saaray xukuumadda siilaanyo, gaar ahaan Maareeyaha Dekedda Berbera iyo aqalka Madaxtooyada.




Dhibaatadaana waxaanu ku eedeynaynaa oo laga soo amray Guriga axmed siilaanyo oo ah meesha dalka laga maamulo, waxaanan leeyahay waxa dhibaatadaasi ka timi Guriga Axmed siilaanyo oo laga soo amray saddexda Inan ee dhibaatada, cabudhinta iyo xadhiga u geystay shacbiga reer Abdaal”




1. Muxiyadiin Faysal
2. Maxamed cabdi bidhiyo toorele
3. Cabdirisaaq Cabdilaahi
4. Xamda Maxamed Cali
5. Hoodo Amaan
6. Xaawa Cabdiqaadir
7. Cabdi Xiiray
8. Maxamed Midhiq
9. Cabdi cayuun




 Si kastaba ha ahaatee talaabada dadka lagu xidh-xidhay ayaa ku soo beegmaysa xili ay waan-waan siyaasadeed u socoto Xukuumadda iyo Golaha wada-tashiga ee ay dadkani taageereen, waan-waantaasoo la sheegay inay labada dhinac aqbaleen inay kulan wada hadal ah yeeshaan maalmaha soo socda.




Lamana oga saamaynta arintani ku yeelan doonto lad-qabada laga dhex wado Golaha iyo xukuumadda iyo inay joojin doonto balse dadka arrimaha siyaasada ka faalooda ayaa aaminsan inay hakin doonto.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com