Sunday, July 28, 2013

Villas-Boas Oo Diiday Inuu Xaqiijiyo Ama Beeniyo In Gareth Bale Uu Dalbaday In Laga Iibiyo Real Madrid.


Andre Villas-Boas ayaa diiday inuu xaqiijiyo ama beeniyo wararka sheegaya in Gareth Bale uu dalbaday in Tottenham ay ka iibiso Real Madrid.




Warar ay qoreysay jariirada Madrid ka soo baxda ee Marca ayaa maanta iyo shalayba sheeganayay in Bale uu u sheegay gudoomiyaha kooxda Daniel Levy in loo ogolaado inuu ka tago White Hart Lane ka dib markii ay kooxda ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League.




Markii la weydiiyay waxa ka jira in Bale uu dalbaday in la iibiyo, ka dib kulankii maanta ay 6-0 kaga badiyeen South China, Villas-Boas ayaa ka gaabsaday arinta oo dhan.




Waxa uu yiri: “Ma doonayo inaan ka hadlo wax sidaas oo kale. Kama hadli karo waxba.”




Villa-Boas ayaa ugu yaraan xaqiijiyay in Bale uu filanayo inuu ku soo laabto tababarka kooxda ee buuxa arbacada ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah.




 




 




Laakiin weli lama hubo inuu ciyaari doono kulanka ay Tottenham sabtida soo socota ku ciyaari doonto Monaco.