Monday, July 29, 2013

M/weyne Siilaanyo oo Qurbe-jooga u soo jeediyay inay wakhti iyo hawl-ba u huraan Ictiraaf Raadinta Dalkooda iyo Nuxurka Khudbadiisii Caawa


Hargeysa(GNA)-Munaasibad balaadhan oo xukuumadda Somaliland ku marti-qaaday qurbe-jooga waddanka ee dibadaha ka soo laabtay, ayaa caawa lagu qabtay Hudheenlka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, taasoo uu ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).




Xafladan oo ay sidoo kale ka  qayb-galeen baddi xubnaha Golaha wasiiradda ee xukuuamdda, xubno ka socda Golayaasha Baarlamanka, Asxaabta Qaranka, Qurbo-jooga iyo marti sharaf kale oo tiro badan, ayaa ujeedadeedu ahayd sidii qurba-jooga waddanka loogu dhiiri-gelin lahaa hawlaha qaran ee ay dibada ka wadaan iyo sidii ay door uga qaadan lahaayeen Meelmarinta qadiyada dalka.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa Mawaadiniinta waddanka u dhashay ee ku kala nool Daafaha aduunka iyo kuwa xafladan goob-jooga ka ahaaba  ku booriyay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalkooda iyo dadkooba, hore iyo dambeysaba, isagoo uga mahad celiyay doorkii ay ka soo qaateen dhismaha waddanka iyo Halgankii lagu xoreyay.




“Qurba jooga Somaliland waa dad waxtar weyn ka soo qaatay dib u dhiska waddanka mustaqbalka dambena ay Umaddani wax badan ka sugayso. Halgankii aynu waddankan ku xoraynay door weynbay ka qaateen dadka Qurba jooga ah ee Reer Somaliland, haday dhinac Dhaqaale tahay, haday dunida oo ay qadiyadeena gaadhsiiyeen ay tahay iyo haday dhinac kasta tahay door weyn oo lama ilaawaan ah ayay ka soo qaateen, maantana dhismihiisa, haday tahay dhinaca tacliinta, haday tahay horumarintiisa, haday tahay waddooyinkiisa iyo haday tahay Caafimaadkiisaba, aad iyo aadna way ugu mahadsanyihiin”




 “Waa dad ay ku tiirsanyihiin dad badan oo dalka ku nooli, waxaanan Maanta ku kalsoonahay inay wax badan oo dib u dhiska waddanka ah doorkooda ka qaadan doonaan” ayuu sheegay Madaxweynuhu .




Waxaani intaasi ku daray isagoo la dar-daarmaya qurbe-jooga “waxa kale oo aan ku kalsoonahay Maanta qurba-joogu meel-marinta qadiyada dalkeena iyo Ictiraaf raadinta inay kaalin mug leh ka qaadan karaan, waayo xidhiidhbay la leeyihiin Baarlamaanada waddamada ay joogaan, waanay ka tirsanyihiin qaramada ka jira, markaa hadii ay ka hawl-galaan Ictiraaf raadinta dalkeena waxay ka ciyaari kaaran door aad iyo aad u muhiim ah.




markaa waxaan idinkula dar-daarmaaya ku dedaala, hawshaa xil iska saara, wakhti siiya, sidaad awalba u wadeen magac iyo sharafta weyn ee aad dalkiina u soo hoyseen, ee aad magaciisa meel walba uga rideen, waxaanan idiin rajeynaaya Guul, waanan idiinka mahad celinayaa”.




Dhinaca kale,w axa xafladaasi ka hadlay xubno ka mid ah Golaha wasiiradda oo uu ka mid yihiin  wasiiradda  arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, Arrimaha Gudaha Cali Maxamed waran-cadde, Caafimaadka Dr. Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye iyo Wasiir u dawlaha Maaliyada Cismaan Cadaani, kuwaasoo ka waramay sidii ay Qurbe-joogtu ula soo kifaaxeen Marxaladihii adkaa ee waddanku soo maray ilaa xigii halganka dib u xorayn iyo maanta, ugana mahad-naqay taageerada ay gudaha ka geystaan mar kasta.




Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo isagu si gaar ah ula hadlay dibad joogta Somaliland, ayaa ka codsaday inay kala shaqeeyaan taabo-gelinta himiladda waddanka ee dhanka Ictiraafka, waxaanu dhaamantood u soo jeediyay inay noqdaan safiiro dalkooda u metela dalalka ay joogaan, kana dhaadhiciya qadiyada Somaliland Bulshooyinka Caalamka.




“waxaan doonayaa inaad dhamaantiin noqotaan Safiiro oo aad igala shaqaysaan hawlaha Ictiraaf raadinta iyo sidii uu dalku aqoonsi Caalamiya u heli lahaa, maadaama aan ahay wasiirkii arrimaha dibada iyo qurbe-jooga, waxaan idinka codsanayaa inaad hawshaa si wanaagsan iigala qayb-qaadataan”ayuu ka codsaday Mawaadiniinta Somaliland ee dibadaha jooga.




Xubno ka mid ah qurbe-joogta oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka mahad naqay maamuuska sare ee ay dawladoodu u samaysay, waxaanay balanqaadeen inay qarankooda kala shaqaynayaan sidii loo xaqiijin lahaa madaxbanaanida Somaliland,aqoonsina dalku u heli lahaa.




Maaha markii ugu horaysay ee ay xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), casuumad noocan ah u samayso qurbe-jooga dalka u dhashay, hase ahaatee waxa xusid mudan inay saddexdii sanadood ee ay jirtay kulamo noocan ah u samaysay, kuwaasoo labadii sanadood ee hore ka dhacay qasriga madaxtooyada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com