Friday, July 26, 2013

Hargeysa: Tartanka Kubadda Kolayga ee Ramadaanta oo Caawa furmay iyo ka Cagta oo ka socda Garoomada waaweyn ee Magaalada


Hargeysa(GNA)- Tartanka Ciyaaraha Kolayga ayaa Caawa  ka bilaamay Garoonka Kubadda Kolayga ee Magaalada Hargeysa.




Agaasimaha guud eewasaarada Dhalinyarada, Dalxiiska iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye, ayaa furay tartankaasi oo ay caawa wada ciyaarayaan labada Kooxood ee u kala Ciyaara Jaamacadda Alpha iyo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.




Tartanka waxa ka qayb-gelaya 8 naadi oo ka mid ah Kooxaha Heerka koowaad ee Naadiyada Kubadda Kolayga Magaalada Hargeysa, waxaana soo qaban-qaabiyay xidhiidhka  Kubadda kolayga, oo gacan ka helaya Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.




Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Kolayga Maxamuud Xasan Cabdilaahi Qodax oo ka hadlay munaasibada lagu furay tartankan ayaa ka waramay muhiimada tartankan iyo doorka xidhiidh ahaan uu ugu jiro.




“waxaan u mahad naqayaa Agaasimaha guud wasaarada ciyaaraha tababare Ahmed Mahamed Carab (Ahmed coach) tababarayaasha naadiyada heerka koowaad, ciyaartooyga, sidoo kale waxaan mar labaad mahadnaq u dirayaa wasiirka wasaarada tamarta iyo macdanta oo gartay inuu  qaato naadi Aniga oo u soojeedinaya in ay dhirigalintaasi kaga daydaanwasaradaha kale” ayuu sheegay Guddoomiye Qodax.




Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha, Dhalinyarada iyo dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa ka hadlay halkaasi, waxaanu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay Wasaaradda Macdanta iyo tamarka iyo guud ahaan xidhiidhka ciyaaraha soo qaban-qaabiyay.




 Marka ugu horaysa waxaan ku faraxsanahay in aan caawa si rasmiya idiinku furo tartankii bisha ramadaan waxaanan ugu horayn bogaadinayaa xidhiidhka kubada kolayga ee soo qabanqaabiyay tartankan” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.




Waxaanu intaasi ku daray “sidoo kale waxaan halkan hambalyo uga dirayaa wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta oo isagu iskiiis ku xilqaamay in uu qaato mid ka mid ah naadiyada kubada kolayga isaga oo aan cidina xod-xodan oo uu lugihiisa ku yimid gartayna in uu team wasaaradiisa magaceeda sita qaato waxaan uu gudanbayn ciyaartoyga naadiyada ku dardaarayaa inay ilaaliyaan akhlaaqda asluubta in tatartankan socdo daawadayaashanatusaan ciyaar xirfadleh”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Dhanka kale waxa uu Agaasimuhu u mahad naqay  Axmed Maxamed Carab (Ahmed coach) oo isagu ah ciyaartooy hore aqoon badana u leh tababarka, isla markaana wax badan ka qabtay horumarinta Ciyaaraha fudud.




Dhinaca kale, Ciyaartii koowaad ee tartanka Caawa lagu furay ayaa ku dhamaatay 46 dhibcood oo ay keensadeen Naadiga Macdanta iyo Ramartu  iyo 44 dhibcood oo ay la yimaadeen Kooxda Alpha, inkasta oo iyadoo ciyaarta wakhti aad u koobani ka hadhsanyahay Buuq dhex maray labada naadi, lana soo gabagabeeya, hadana sidaasi waxay guushu ku raacday Kooxda Macdanta iyo Tamarta oo keensaday 46 Dhibcood.




Dhanka kale tartan Ciyaareedyo kale oo Kubadda  Cagta ah, looguna talo-galay Bisha Ramadaanta, ayaa ka socda ilaa 12 Garoon oo ku yaala Caasimada Hargeysa, kuwaasoo ay ka qayb-gelayaan naadiyada kala duwan ee ka dhisan Caasimadu.




Sidaasina waxa Gobanimonews u sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye “waxay Ciyaaraha  Kubadda Cagtu ka socdaan Garoomo badan oo ku yaala Magaalada, sida Xawaadle, Dhalinta, Guryo-samo, Kilalka shanaad iyo Garoomo badan oo kale, waxaana ciyaarahaasi qabsaday Bulshada oo isu abaabushay, wasaaraduna dusha ayay kala socotaa”ayuu sheegay.




Si kastaba ha ahaatee tartamada Bisha Ramadaan ee Ciyaaraha oo ay Naadiyada ka qayb-galaa tababar fiican iyo Dhiiri-gelin ka helaan, waxa Maalin-gelintooda ka qayb-qaata Shirkadaha Ganacsiga oo inta badan ka caawiya Koobabka la kala qaado.




Qaabka loo qaybiyay kooxaha tartanka ka qayb-gelaya Kolayga:




Group A




1)-Al-pha
2)-Wasaaradda macdanta iyo Tamarta
3)-ODHA
4)-Waayo Arag




Group B




1)-Waddani
2)-Nagaad
3)-Maxamed Mooge
4)-ADMAS




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com