Wednesday, July 31, 2013

Hargeysa: Hawl-wadeenadii fuliyay ololaha talaalka oo ka cabanaya Kharashkii loogu talo-galay oo dib uga dhacay


Hargeysa(GNA)-3500 hawl-wadeen oo ka mid ahaa Kooxihii fuliyay Talaalka Cudurka dabaysha oo todobaadkan la soo gabagabayeeyay, ayaa ka cabanaya lacagtii loogu talo galay oo aan ilaa hada la siin.




Ololahan Cudurka dabaysha oo laga fuliyay dhamaan lixda Gobol ee Somaliland todobaadkii hore, ayaa waxa ka qayb-qaatay kumanaan qof oo ah Hawl-wadeeno Caafimaad iyo kuwo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaata maalmaha uu socdo, kuwaasoo la siiyo qadar lacageed oo aad u kooban. Taasoo ay bixiyaan Hay’ada UNICEF iyo WHO oo wasaarada Caafimaadka ee dawlada kala shaqeeya horumarinya adeegyada caafimaadka.




Xubno ka mid ah Hawl-wadeenada ka hawl-galay Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan Caasimada Hargeysa, ayaa sheegay inaan ilaa hada la siin lacagtii ay ku shaqaynayeen, taasoo awal hore la siin jiray maalinta ugu dambeysa ee Talaalka la soo gabagabeeyo, balse doorkan waxa ay sheegeen inaan wali wax lacag loo diyaarin,halka Gobolada kale ee Ololahan laga fuliyay la bixiyay Kharashkii Kooxaha Talaalka.




Ololaha Talaalka ayaa Magaalada Hargeysa ka bilaamay 25-kii bishan Jully, lana soo gabagabeeyay 29-kii oo ku beegan salaasadii doraad, iyadoo markaasina lagu war-geliyay inaan wax lacag ah loo haynin ee ay sugaan inta loo diyaarinayo, sida uu Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Kooxaha Talaalka ee arintan ka cabanayaa.




“markii la soo gabagabeeyay talaalka oo aanu ka shaqaynaynay mudo shan maalmood oo Ramadaan ah, waxaa nalugu yidhi lacagi ma jirto ee waa laydinka amaahday lacagtiini, arintaasoo ah mid aan la qaadan Karin”ayuu sheegay.




Waxaanu intaasi ku daray “Talaalkan oo aanu ka shaqayn jirnay markii hore afar maalmood wasiirka cusub ee wasaaraddu doorkan wuu kordhiyay oo waxa uu ka dhigay shan maalmood, lacagta aanu ku shaqaynaynayna waxay ahayd  maalintii Toban Dollar ($10), halka aanu hore u qaadan jirnay $6 Maalintii, taasoo aanu ku amaanayno”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee heer Gobol iyo ka mid qaran toona oo la xidhiidha cabashada shaqaalahan iyo dib u dhaca ku yimi lacagtii loogu talo-galay ee Ololaha lagu fulinayay, balse Sarkaal ka tirsan Xafiiska Caafimaadka Gobolka oo Gobanimonews arintan wax ka waydiisay ayaa si kooban u sheegay in maalmaha soo socda loo shubayo lacagta shaqaalaha.




Sarkaalka ayaa sheegay in dib u dhacu ka dhashay sababo dhinaca amaanka ah oo ay hay’ada lacagta bixiyaa uga maqnaayeen xafiisyadooda Hargeysa, sidaasi darteedna ay u soo shubi waayeen lacagta.




Cabashada ka dhalata Ololaha talaalka ayaa ah arin mudo badan soo noqnoqoata oo lagu dhaliilo Maamulka Wasaaradda Caafimaadka, gaar ahaan Xafiiska isuduwaha Gobolka Maroodi-jeex oo ay dhawr jeer cabasho ka muujiyeen Hawl-wadeenada Talaalku.




Cabashadaasoo salka ku haysay Lunsi lacageed iyo qorasho shaqaale ka badan intii loogu talo galay oo marka hawshu dhamaato kharashkooda muran ka dhasho.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com