Sunday, July 28, 2013

Wax Ka Baro Ninkii Ugu Dheeraa Ee Abid Dunida Soo Mara


(GNA) Culumada Keydisa Waxa yaalaha Dunida Soo Maray ayaa imika Soo Saaray ninkii ugu dheeraa ee dunida Abid Soo mara ilaa Qarnigii 19aad ayaa la ogyahay mucjisoo yinka raabaaniga ee ay aadamuhu,inta badan keydiyaan ayaa waxaa ilaa imika oo aynu joogno la hayaa qokii ugu dheeraa aduunka hadawaa inta la rikoodh gareeyay hadaba ninka oo udhashay dhulweynaha mareykanka .




Ayaa ilaa imika aanan la hayn qof dhererkiisa oo kale le oo la aqoon san yahay ee soomara ninkan oo magaciisa la odhan jiray Robert Perching Wadlow. Ayaa ilaa imka haysta rikoodha dhererka dadka la aqoonsan yaha,




Robert Perching Wadlow oo ah ninka ugu dheer adduunka wuxuu ku dhashay Alton Gobolka Illinois ee dalka Mareykanka 22-kii bishii February 1918-kii.




 




Xilligii uu dhashay Wadlow culeyskiisu waxa uu ahaa 3.8 KG wuxuuna u dhashay dalka Mareykanka,  wuxuuna ahaa midka ugu weyn 5 caruur ah oo qoyskoodu ka koobnaa, hooyadiina waxaa la oran jiray Addie Johnson, koritaankiisa deg dega ah ayaa soo jiitay in si taxadir leh loo fiiriyo.




 




Wadlow xiligii uu dhiganayay dugsiga dhexe waxaa loo sameeyay kursi iyo miis cabirkiisa awgii, wuxuuna wax ka baranayay Alton Hight School.




 




13-jirkiisii wuxuu Waldon noqday wiilka dunida ugu dheer, wuxuuna dhererkiisu ahaa 2.24 mitir, halka uu 18  jirkiisii uu dhererkiisu ahaa 2.54 mitir, culeyskiisuna ahaa 177.0 KG.




 




Dhinaca kale cabirka kabaha ee Wadlow wuxuu ahaa 37, qiimaha halkii joog oo kabo ah  wuxuu gaadhayay lacag dhan 100 dollar, nasiib wanaag Wadlow wuxuu helay shirkad kabaha soo saarta oo u balan qaaday in ay siiso kabo lacag la’aan ah.




 




Wadlow waxaa loogu yeedhi jiray Alton Giant ama Giant Of Illinois, Wadlow isaga oo la socda aabihii ayuu socdaal ku soo maray dhammaan gobolada dalka Mareykanka, hase yeeshee 4-tii July 1940-kii ayuu ku xanuunsaday Ministee oo ka tirsan gobolka Mchigan, dhakhaatiirtu waa ay ku dadaaleen daaweynta Wadlow waxayna ku sameyeen qaliin iyo dhiig ku shubid, laakiin beerkiisa ayaa aad u soo xumaaday, wuxuuna geeriyooday 19-kii july 1940-kii isagoo 22 jir ah.




 




Robert Perching Wadlow oo noolaa mudadii u dhaxeysay 1918 – 1940 wuxuu ahaa ninkii ugu dheeraa ee abid taariikhda dunida aynu ku nool nahay soo mara wuxuuna dhererkiisu ahaa 2.72mitir, culeyskiisuna wuxuu ahaa 222.26 Kg, wuxuuna ilaa haatan (2013) heystaa Record-ka ninka dunida ugu dheer oo uu qaatay 27-kii June 1940-kii .




Culumada Keydisa Waxa yaalaha Dunida Soo Maray ayaa imika Soo Saaray ninkii ugu dheeraa ee dunida Abid Soo mara ilaa Qarnigii 19aad ayaa la ogyahay mucjisoo yinka raabaaniga ee ay aadamuhu,inta badan keydiyaan ayaa waxaa ilaa imika oo aynu joogno la hayaa qokii ugu dheeraa aduunka hadawaa inta la rikoodh gareeyay hadaba ninka oo udhashay dhulweynaha mareykanka .




Ayaa ilaa imika aanan la hayn qof dhererkiisa oo kale le oo la aqoon san yahay ee soomara ninkan oo magaciisa la odhan jiray Robert Perching Wadlow. Ayaa ilaa imka haysta rikoodha dhererka dadka la aqoonsan yaha,




Robert Perching Wadlow oo ah ninka ugu dheer adduunka wuxuu ku dhashay Alton Gobolka Illinois ee dalka Mareykanka 22-kii bishii February 1918-kii.




 




Xilligii uu dhashay Wadlow culeyskiisu waxa uu ahaa 3.8 KG wuxuuna u dhashay dalka Mareykanka,  wuxuuna ahaa midka ugu weyn 5 caruur ah oo qoyskoodu ka koobnaa, hooyadiina waxaa la oran jiray Addie Johnson, koritaankiisa deg dega ah ayaa soo jiitay in si taxadir leh loo fiiriyo.




 




Wadlow xiligii uu dhiganayay dugsiga dhexe waxaa loo sameeyay kursi iyo miis cabirkiisa awgii, wuxuuna wax ka baranayay Alton Hight School.




 




13-jirkiisii wuxuu Waldon noqday wiilka dunida ugu dheer, wuxuuna dhererkiisu ahaa 2.24 mitir, halka uu 18  jirkiisii uu dhererkiisu ahaa 2.54 mitir, culeyskiisuna ahaa 177.0 KG.




 




Dhinaca kale cabirka kabaha ee Wadlow wuxuu ahaa 37, qiimaha halkii joog oo kabo ah  wuxuu gaadhayay lacag dhan 100 dollar, nasiib wanaag Wadlow wuxuu helay shirkad kabaha soo saarta oo u balan qaaday in ay siiso kabo lacag la’aan ah.




 




Wadlow waxaa loogu yeedhi jiray Alton Giant ama Giant Of Illinois, Wadlow isaga oo la socda aabihii ayuu socdaal ku soo maray dhammaan gobolada dalka Mareykanka, hase yeeshee 4-tii July 1940-kii ayuu ku xanuunsaday Ministee oo ka tirsan gobolka Mchigan, dhakhaatiirtu waa ay ku dadaaleen daaweynta Wadlow waxayna ku sameyeen qaliin iyo dhiig ku shubid, laakiin beerkiisa ayaa aad u soo xumaaday, wuxuuna geeriyooday 19-kii july 1940-kii isagoo 22 jir ah.




 




Robert Perching Wadlow oo noolaa mudadii u dhaxeysay 1918 – 1940 wuxuu ahaa ninkii ugu dheeraa ee abid taariikhda dunida aynu ku nool nahay soo mara wuxuuna dhererkiisu ahaa 2.72mitir, culeyskiisuna wuxuu ahaa 222.26 Kg, wuxuuna ilaa haatan (2013) heystaa Record-ka ninka dunida ugu dheer oo uu qaatay 27-kii June 1940-kii .




Diyaariye: C/qaadir Askar




Gobanimonews.com