Sunday, July 28, 2013

Cabida Shaaha Oo Faa´iido U Leh Maskaxda Dadka Markay Gaboobaan.


(GNA) Culumo caafimaad oo u dhashay dalka Singapore, ayaa daaha ka fayday in cabbitaanka shaahu faa?iidooyin muhiim ah u leeyahay maskaxda dadka, gaar ahaan markay gaboobaan, iyagoo khubaradu tilmaamay haddii qofku maalin kasta uu cabbo saddex koob oo shaah-dhaqameedkiisa ah in aanay maskaxdiisu is-dhimayn markuu da?da noqdo.




 




Daraasad laga qaaday ku dhawaad 1,500 qof oo isugu jiray rag iyo dumar reer Singapore ah oo dhammaantood maalintii cabba in ka badan afar koob oo shaah ah, ayaa lagu ogaaday in qaar badan oo ka mid ah maskaxdoodu saafi tahay oo aanay waxba illaawin, iyagoo wayaal ah.




 




Khubaradani waxay sheegeen in ugu yaraan 3 koob oo shaaha caadiga ah oo qofku cabbo maalin kasta ay 43% hoos uga dhigto in maskaxdiisa xasuus yaraan ku dhacdo amma noqoto mid shaqadeedu hoos u dhacdo.




 




Cilmi-baadhis kaloo lagu tijaabiyey 4,000 qof oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa hore u shaacisay in cabbista shaahu faa?iido badan u leedahay haweenka.




 




Daraasaddan oo ay fuliyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda California, sidoo kalena cilmi-baadhista Singapore laga hirgeliyey dib-u-eegis ku sameeyey, ayaa lagu caddeeyey in cabbitaanka shaaha iyo kofeegu faa?iidooyin caafimaad u leeyihiin maskaxda dadka.




 




Shacabka dalka Ingiriiska ayaa iyagu maalintii cabba 165 milyan koob oo shaah ah, kuwaasoo aad uga badan dadka kafageega cabba.?




 




Waxa jira caddaymo badan oo sheegaya in shaahu ka hortago in dareemayaasha maskaxda hoos-u-dhac ku yimaad, sidaa awgeed waxaannu si toos ah u sheegaynaa in cabbistiisu dadka ka ilaaliso inay noqdaan qaar illowshiiyuhu ku bato markay gaboobaan, balse sida ugu fiicn ee qofku yarayn karo khataraha maskaxda la soo darisa waa inuu cuno cuntooyin dheellitiran, jimicsi joogto ahna sameeyo, sidoo kalena qiijinta sigaarka joojiyo.? Sidaa waxa tidhi Drs. Jessica Smit oo ah khabiir ku takhasustay cudurrada dadka waayeelka ah maskaxda kaga dhaca oo daraasaddan fallanqaysay.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com