Sunday, July 28, 2013

Cunada Badan Xilliga Uurka Ay Hooyadu Leedahay Oo Qatar Caafimaad Ku keeni Kara Ilmaha Caloosha Ku Jira.


(GNA) Uurka wuxuu qaar kamid ah haweenka u furaa iney cunooyin badan qaataa,halka qaar yarna ay ku adkaato cunooyinka,laakin haweenka sida aadka ah cunooyinka u qaata xilliga uurka waxey cunadaas badan aad u korin kartaa ilmaha yar ee uurka ku jira,islamarkaana waxey cunadaas tirada badan u horseedeysaa ilmaha yar qataro caafimaad sida ay sheegtay daraasad cusub.




 




Daraasada ayaa muujineysa in Ilmaha yar ee caloosha ku jira waxey ugu yaraan sedex mar macquul tahay iney ugu weynaadaan,kuna Naaxaan oo dufin badan ay jirkooda gasho,hadii hooyada miisaan badan yeelato xilliga hore ee uurka .




 




Qatarta ayaa la sheegey iney ku yar tahay kuwa ka fogaada iney uurka si aad ah ugu kordho hilb ama ay unaaxdo  inta aanu dhalan.




 




Dr Margie Davenport ayaa sheegay iney tahay digniin in cunitaanka badan iney ku rideyso mustaqbalka dhow caafimaadka Imaha uu ku gali karo  qatar.




 




Ilmaha aad u weyn dhalashadooda macquulna tahay iney noqdaan carruur aad u waaweyn,waxeyna taasi abuurtaa qatar culeyska sii kordhaaya ee ilmaha iyo dhalinyaronimadiisa.




 




Daraasadaan oo lagu soo bandhigay majalada ka hadasha cudurada haweenka iyo dhalmada ayaa Eegtay  172 hooyo magaalada Ontario dalka Canada intii u dhexeysa 1995-2011. Inka badan bar ayaa si xad dhaaf ah u helay inta ay caloosha ku jireen,inkastoo ay heleen la talin caafimaad oo dhaqtarkooda iyo jimicsi .Hooyooyinka uu culeyskoodu kordhay xilliga hore ee uurka ayaa ahaa 2.7 mar kuwa uga dhow iney dhalaan ilmo waaweyn oo culus,in ka badan 14 % jirkooda Hilb saa id ah fuulo.




 




Dr Davenport ayaa ku daray in haweenka ilmaha sugaaya iyo xirfadleyaasha caafimaadkaba iney u baahan yihiin wacyigelin miisaanada uurka ku kordha ioo tilmaamo ay raacaan si loo dhiso jimciyad caafimaad oo uurka iyo caafimaadka ilmahaba ah. Sarah O’Hara oo ah qabiir uurka iyo cuno nidaaminta ayaa sheegtay in hooyada uurka leh cunooyinka saa’idka ah ay qaadaneyso ay tahay mid caafimaadka ka hor imaanaya




 




Waxaad u moodaa ayey tidhi in dadka la siiyey ogolaansho ah in waxwalbo oo ay doonaan ay cunaan,waxeyna taasi horseedi kartaa miisaanka oo kordha.




 




Daraasad kale ayaa muujineysa in cunada xaddhaafka ah ay horseedi karo culeysyo soo wajaha hooyada xilliga dhalmada,sida ay muujineyso baare Spanish ah oo helay dadaalo looga ilaalinaayo hooyada uurka leh in ay naaxdo  oo sida iney sameyso todobaadkiiba sedex mar socod deg deg ah ,taasoo hoos u dhigi karta qatarta culeyska Ilmaha,islamarkaana jari karta qatarta in qaliin degdeg ah lagu sameeyo xilliga dhalmada.




Diyaarintii:ASKAR




GOBANIMONEWS.COM