Monday, July 29, 2013

Cesc Fabregas Oo Si Shaqsi Ahaan Ah Isaga Diidi Doona Dalabyada Man United.


Madaxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay durbaba la kulmeen Cesc Fabregas kaasoo u xaqiijiyay inuu iska diidi doono dalabyada ka imaanaya Manchester United.




Ciyaaryahanka khadka ayaa xagaagan oo dhan lala xiriirinayay United, inkastoo Barca ay ka soo diiday labo dalab oo isku xiga, waxaana warar ka soo baxaya England ay soo jeedinayeen in ciyaaryahanka uu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa.




Si kastaba, jariirada Catalans ka soo baxda ee Sport ayaa sheegeysa maanta in ciyaaryahanka uu doonayo inuu baaqi ku sii ahaado Camp Nou, waxaana uu la dhacay qaabka Gerardo Martino uu u doonayo inuu u qaabeeyo kooxda.




Iyadoo Martino la filayo inuu rasmi ah u la kulmo Fabregas xilli danbe isbuucaan, jariirada kale ee Catalan ka soo baxda Mundo Deportivo ayaa soo jeedineysa in ciyaaryahanka uu u cadeeyay kooxda waxa uu doonayo.




 




 




Waxaa la fahamsan yahay in madaxda Blaugrana ay xiriir la sameeyeen Fabregas iyo wakiilkiisa maalmihii u danbeeyay, si ay u hubiyaan waxa ka run ah wararka sheegaya inuu doonayo inuu baxo, waxaana uu wargeyska uu leeyahay inuu u sheegay madaxda kooxda inuu doonayo inuu baaqi ku sii ahaado Catalans.