Monday, July 29, 2013

Somalia: Saraakiil Nabad-sugid ah oo la magacaabay iyo Dar-daaran la faray










Muqdisho(GNA)-Munaasabad ka dhacday Xarunta Hey'adda Nabadsugida qaranka ayaa maanta lagu dhameystiray Taliska Nabadsugida Qaranka iyo kan Gobolka Banaadir, iyadoo saddex kuxigeen loo magacaabay Hey'adda Nabadsugida qaranka.





Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo saraakiil kale.




Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa lagu magacaabay saddex Taliye kuxigeen oo loo kala magacaabay Nabadsugida qaranka oo lagu kala magacaabo Col. Cabdalla Cabdalla Maxamed, Col, Maxamed C/llaahi Xaamud iyo C/salaan Yuusuf Guuleed.




Kaaliyaha Taliyaha Nabadsugida qaranka ayaa waxaa loo magacaabay Jen. Khaliif Axmed Ereg oo horay u ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.




Sidoo kale waxaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir loo magacaabay Col. Maxamed Aadan Koofi, oo horay loo hadal hayay in xilkaas loo magacaabayo.




Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo munaasabada ku hadlay ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta la magacaabay inay la yimaadaan howl kar, hufnaan iyo shaqo wanaagsan, iyagoo u adeegaya bulshada Soomaaliyed.




Taliyaha Nabadsugida qaranka Jen. Bashiir Goobe ayaa sheegay in mas'uuliyiinta la magacaabay looga baahan yahay inay ka soo dhalaalaan howsha culus ee loo xilsaaray, isagoo tibaaxay in mas'uuliyiintan lagu soo xulay khibrad iyo waayo aragnimo.




Jen. Bashiir Goobe ayaa waxaa uu sidoo kale ammaan u jeediyay Taliyihii hore Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo tan iyo mudadii uu hayay xilkaas uu sheegay inuu wax badan ka qabtay ammaanka Gobolka Banaadir.




Si kastaba ha ahaatee magacaabista mas'uuliyiintan iyo dhameystirka hogaanka Nabadsugida Qaranka ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan, waxaana la ogeyn sida wax uga qaban karaan xaaladaha ku soo kordhay dhowaanahan caasimada Muqdisho.












/* Style Definitions */
table.MsoNormalTable
{mso-style-name:"Table Normal";
mso-tstyle-rowband-size:0;
mso-tstyle-colband-size:0;
mso-style-noshow:yes;
mso-style-priority:99;
mso-style-qformat:yes;
mso-style-parent:"";
mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt;
mso-para-margin-top:0in;
mso-para-margin-right:0in;
mso-para-margin-bottom:10.0pt;
mso-para-margin-left:0in;
line-height:115%;
mso-pagination:widow-orphan;
font-size:11.0pt;
font-family:"Calibri","sans-serif";
mso-ascii-font-family:Calibri;
mso-ascii-theme-font:minor-latin;
mso-fareast-font-family:"Times New Roman";
mso-fareast-theme-font:minor-fareast;
mso-hansi-font-family:Calibri;
mso-hansi-theme-font:minor-latin;}