Tuesday, July 30, 2013

Nin La Sheegay Inuu Ka Saahiday Nadaafadd Muddo Aad U Badan Iyo Caqli Xumada U Gaysay.


(GNA) Waxa dunidan aynu ku noolahay ka jira, dhaqamo, caadooyin iyo waxyaabo dadku rumaysan yihiin oo ku kalifa ama gayaysiiya inay ku kacaan ficilo aan wanaagsanayn, sida tan qisadeena oo uu sameeyay nin u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Kailash Singh. Sida wakaaladaha wararka dunida qaar ka mid ahi ku warameen, ninkan odayga ah ee lagu magacaabo, Kailash Singh ayaan jidhkiisa biyo taabsiin muddo sideed iyo sodon sanadood ah, waxaanu ku doodayaa inuu ka caafimaad iyo nolol wanaagsan yahay dadka kale ee caadiga ah, ee maalin kasta maydha jirkoodana nadiifiya. Singh oo da’diisu tahay 66-jir, waxa uu go’aankan uu qaatay sanadkii 1974-kii, wakhtigaas oo ahaa muddo yar ka dib markii uu guursaday, sida uu sheegay, sababta uu maydhashada u diiday ayaa la xidhiidha waxyaabo uu rumaysan yahay, oo la xidhiidha rabitaankiisa shaqsi. Singh ayaa u sheegay wakaaladaha wararka inuu go’aansaday ka saahidista qubeyska , si uu u helo, ama u dhalo wiil, si hadiyadaas uu u helo oo anay uga khasaarina uu fulinayo nidarkii uu la galay naftiisa iyo waxyaabaha uu rumaysan yahay. Kialash Singh oo aan ilaa wali dhalin wiil, carruurtiisuna tahay todoba hablood, sideed iyo sodon sanadood ka dib, ma aaminsana inuu riyadiisi ku fashilmay, waxaanu ku sii dhegan yahay inuu sii wato ilaa hamigiisu u rumoobayo. Ninkan odayga ah oo wakhtigan noqday ninka ugu urta badan dunida, waxa urta dhididkiisu dadka ka saaqi kartaa marka uu u soo jiro masaafo lix mitir ka badan, ama haddii si kale loo dhigo waxa qadhmuunkiisu kaa qabsanayaa wadada dhinaceeda kale. Xaaska u dhaxday oo lagu magacaabo “Kalavaty Devi” oo warfidiyeenadu wax ka waydiiyeen sida ay ula nooshahay, ayaa sheegtay in ay dhibaato kala mudatay, wakhtiyo badana isku dayday sidii ay ugu qancin lahayd inuu maydho, laakiin ay ku guul daraysatay xaaladeeduna meel xun marayso. Haweenaydan oo lixdan jir ah ayaa sheegtay in qolka hurdada ay uga guurtay, hasa yeeshee guriga oo dhami wada urayo oo urka dhididkiisu wada saaqo meel kasta oo guriga laga joogana ka soo gaarayo dadka. Mr. Singh ayaa sheegay in muddadaa sideed iyo sodonka sanadood ah aanu jidhkiisa biyo taabsiin, marka laga reebo wajiga iyo gacmaha oo uu iyaga maydho marka uu wax cunayo iyo




marka uu aroortii tooso.




Gobanimonews.com




Diyaarintii:Askar