Sunday, July 28, 2013

WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)


 




QORMADII 17AAD




17. BISHA RAMADAAN IYO QURAANKA.




waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni sideed iyo tobnaad oo aynu kaga hadli doonaa waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya ramadaa iyo quraanka.




Cilaaqo wayn ayaa ka dhaxaysa bishan barkasan iyo kitaabka ilaahay, waayo waa bishii la soo dajiyey, sidoo kale waxa ku jira habeenkii sida gaara loo soo dajiyey, taaso xataa uu dareemi karo qof kasta oo muslimka ahi ayaamaha ugu horeeya ee ramadaan, kadib qofkii muslimka ahaa udag-dago inuu badiyo akhriska quraanka kariimka, isagoo u fiir-fiirsanaya ayaadihiisa, warkiisa, iyo axkaamtiisa, kadib ay mu’miniintu soo buuxinayaan masaajida, kadibna imaamku cadeeyo in bishani tahay bishii quraanka, Eebana quraankiisa ku yidhi ‘’ bishii ramadaan waatii soo dajinay quraan xaal uu hanuun u yahay dadka....’’ hadana salaada iyadoo lagu jiro imaamku aayadan kale akhriyo ee Rabi ku leeyahay ‘’ waxaan soo dajinay habeenka laylatul qadri’’ iyadoo Eebe u jeedo quraanka waxa la soo dajiyey habeenka laylatul qadriga, ogsoonawna hadda laylatul qadrigu wuxuu ku jiraa bisha ramadaan, hadan qofka muslimka ahi isagoo quraanka akhrinaya ayuu ayaadan akhrin ‘’ waxaanu soo dajinay habeen barakaysan...’’, hadaba qofka muslimka ayaaba dareemi kara xidhiidhka ka dhaxeeya quraanka iyo bishan ramadaan, markuu akhriyo quraan una fiirso ayaadahiisa.




Bishani waa bil quraan, waa bil ay mudan tahay inla badiyo akhriska kitaabka alle, xataa bil fursad u noqon karta kaan aqoon quraanka rabana inuu barto, kii yaqaanayna fursad ayey u tahay inuu barto macnihiisa kuna camal falo, waayo waa  bishii quraan la soo dajiyey, xidhiidh wayna ayey wadaagaan bishan iyo quraanku, hadaba waxaan soo qaadan siday kor ugu qaadi jieen kitaabka Ilaahay dadkii islaamka inooga horeeyey, waxaana jeclaanlahaa inaynu ku dayano dadkaa, dhinaca kalana is qiyaasno halkaynu taaganahay.




Hadaba siduu ahaa xaalka Rasuulkeenii suubanaa (NNKHH), wuxuu ahaa mid la subciya quraanka lana akhriya kitaabka Alle malaku jibriil, siduu tilmaamayo xadiiska ku sugan saxiixaynka,’’jibriil wuxuu ahaa mid u yimaad Nabigeenii muahamed (NNKHH), kadibna quraanka la akhriya quraan habeen kasta, sidaas ayuu jibriil ula subcin jiray Rasuulka (NNKHH), hadaba  bulshadeena xaalkeeda quraanka iyo bisha ramadaan  waa sidee?




Asaxaabtu waxa ay ahaayeen qaar kor uqaada kitaabka ilaahay gaar ahaan bisha ramadaan, asxaabtu Eebe raali haka noqdee waxa ay ahaayeen saddex qaybood, qaarkood maalin kasta quraanka way dhamayan jireen sida cismaan binu cafaan, iyo qaar iyaguna saddexdii habeenba ku dhameeya quraanka, qaarka kalana waxay ahaayeen iyaguna kuwo ku dhameeya quraan todobadii habeenba mar, xalkii asaxaabtu Rabi raali ka noqdee iyagu waa kaas, inaga xaalkeena quraanka iyo bisha ramadaan  waa sidee?




Salafkii hore ee umaddani waxay ahaayeen qaar iyguna wayneeya quraan bishan, waxayna ahaayeen qaar wakhtigooda inta badan ku qaata akhriska quraanka, mararka qaar ayaa dhici jirtay inay ka tagaan goobaha ay cilmiga diinga ah ku bararnayaan si ay firaaqo ugu helaan akhriska kitaabka Alle, imaamu shaafici wuxuu ahaa mid akhriya maalinkasta oo ramadaan quraanka ilaa todoba jus, imaamu maalik ayaana la tilmaama mid aan lagu arki jirin goobaha sheekada iyo meelaha wax lagu dhigto, wuxuuna ku mashquuli jiray akhriska quraanka, qaabkaa ayey u waynayn jireen quraan salfkii umaddani, hadaba adiga xaalkagu waa side?




Walaalkayga muslimka ahaw ama walashayda muslimadda aheey adiga xaalkaagu waa side?




Hadaba aragtay siday ahaayeen dadkii inaga horeeyey ee khayrka badnaa, jawaabta su’aashana adaan kaaga tagay, kolan waad taqaan halkaad taagan tahay, cidana kaaga sheekayn mayso, laakiin talo waxay iga tahay kitaabkaa Eebe dhaxdeena dhigay aynu akrino oo aynu ku camal falno, runtii waynu liibaani aduun iyo akhiraba, laakiin intuu dhexdeena siduu ku yahay ognahay xaalkeenu wuu adagyahay, maanta muslimka dhibta haystaa waxa waayi kitaabkii ilaahay ayey gadaashooda dhigeen, halkii laga rabay inuu quraanku hogaan u noqdo, intaana waxaan ku soo af meerayaa qormadeenii sideed iyo tobnaad, anoo qormada tan ku xigta ku soo qaadan doona EEDAABTA LAGA RABO QOFKA QURAANKA AKHRINAYA, hadaba intaan aqoon kororsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKU WARAX MATULAAHI WABARAAKUH.




 




wirdaani@hotmail.com




Alpha Universty




Hargaysa Somaliland




LA SOCO............