Friday, July 26, 2013

Muuse Biixi: Raga Xukuumadda ee Warbaahinta uga Jawaabaya Dhego-weyne iyo M. Xaashi way Khaldanyihiin,waana meel ka dhac”.






Hargeysa(GNA)- Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale tanaasul u muujiyayGolaha Wada-tashiga, waxaanu ku dooday in tabashadooda xal laga gaadhi doono.




Hase ahaatee   Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Ibraahim Dhego-weyne ku khaldanaa inuu Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamo tuug, isagoo dhan kalena  naqdiyay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo u jawaabay Ibraahim Dhego-weyne iyo Maxamed Xaashi.




Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad soo dhawayn ah oo ay maanta ugu sameeyeen Huteelka Maansoor urur siyaasadeedkii JAMHUURIGA ee ku hadhay marxaladii kala shaandheynta iyo qiimaynta ururadii siyaasadda.




Md. Muuse Biixi waxa ka sheekeeyay dedaalo uu qaaday maalintii lagu dhawaaqay Golaha la baxay wada tashiga iyo toosinta qaranka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalmahan waxa soo biiray dhawaaq Mucaarid, rag odayaal ah oo ah raggii dalkan ku soo tabcay ah ayaa hadallo kulkuli ka soo duuleen, xagga xukuumaddana hadallo kul-kul ayaa ka dhacay. Dadku arrintaasi way ka naxeen gudo iyo dibadba. Waxaan idiin sheegayaa arrintaasi halka ay marayso. Maalintii dhawaaqaasi soo baxay laba saacadood ka dib waxaan u tagay madaxweynaha waxaanu isla qaadanay in raggaas hadlay ay ahaayeen raggii dalkan tacabka badan ku lahaa haddii markaa cidi dul qaadanayso ay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE dul qaataan. Waxa loo diray siyaasiyiintaasi sadex qof oo aan anigu ka mid ahay waxa kale oo I wehelinayay Wasiirka waxbarashadda iyo Wasiirka Daakhiliga waxaanu u tagnay Maxamed Xaashi iyo Ibraahim Dhego weyne dood adag ka dibna waxaanu ku heshiinay inaan arrinta kor loo qaadin oo aanay dhicin wax duul duul ahi. Waxaan idiin sheegaynaa inay arrintaasi socoto oo ay dhammaan doonto.”




Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in Ibraahim Dhego weyne uu ku khaldanaa hadalkii ka soo yeedhay ee uu madaxweynaha ku eedeeyay tuug, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa Nasiib darro rag waaweyn oo isku wada sodog iyo seedi ah iyagoo wada hadli kara oo is gacan qaadi kara inay makarafoonadda isku fuulaan oo wax walba isku yidhaahdaan.Saaxiibkay Ibraahim Dhegoweyne waxaan leeyahay eraygaas aad madaxweynaha ku tidhi waa tuug waa khalad, waxaan leeyahay eraygaas meel ayaad kaga dhacday ma qabato madaxweynaha. Marka hore da’a ahaan ayaanay haboonayn waxaad isu tihiin. Mar labaadka waxay khalad ku tahay xilkii aad adigu u dhiibtay, mar sadexaadkana waxay khalad ku tahay wixii aad soo wada marteen, Taariikhda Siilaanyo haddii ay xumaato ta Maxamed Xaashi way xumaanaysaa, ta Ibraahim Dhego-weyne way xumaanaysaa, ta Xasan Ciise way xumaanaysaa, ta Xasan Guure-na way xumaanaysaa.”




“Xagga kale ragga madaxda xukuumadda ah ee makarafoonka furtay ee u kala tirinaya Maxamed Xaashi ama Ibraahim Dhego-weyne, waxaan leeyahay waar ma qabatee waa meel ka dhac,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.




Md. Muuse Biixi waxa kale oo uu soo dhaweeyay ururkii JAMHUURIGA ee ku soo biiray KULMIYE, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa maskaxda iyo murruqa ay noo keeneen ee ay xisbiga KULMIYE ku soo biiriyeen Ururkii JAMHUURIGU. Walaaleyaal waa abaal aanu idiin hayno waa abaal aad u gasheen dalkiina iyo dadkiina. Waxaan si gaar ah u soo dhaweynayaa saaxiibkay Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Wasiirkii hore ee daakhiliga) waxaanan leeyahay soo dhawoow oo maskaxdaadii iyo murruqaagii aad UDUB ku wadday annagana nagu soo biiri.”




Hadalka Muuse Biixi ka soo baxay ayaa wali debecsanaan siyaasadeed u muujinaya Kooxda la baxday Golaha Madaxabaanan ee wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo uu hore u shaaciyay innuu la hadlayo.




Siyaasiyiinta Golahan ku jira ayaa eedeymo kulul oo ay u jeediyeen Xukuumadda, waxay dhalisay yooyootan xoogan oo ka dhex abuurmay labada dhinac, balse waxa cad inaanu xisbiga Kulmiye xukuumadda kula socon in siyaasiyiintaasi lala murmo.




Gobanimonews




Hargeysa Office