Wednesday, July 31, 2013

DJabouti: Shaqaalaha Reer Jabuuti ee ka hawl-gala Saldhiga Milateriga Maraykanka oo 40 Maalmood oo shaqo joojin ah ku jira


Jabuuti(GNA)-Shaqaalaha Reer Djabuuti ee ka hawl-gala Saldhiga Milateriga dawlada Marayakanku ku leeyihiin Duleedka Magaalada Jabuuti ayaa ku jira shaqo joojin afartan maalmood ah oo ay kaga cabanayaan dhimis lagu samaynayo shaqaalaha halkaasi ka shaqeeya iyo lacagta ay qaataan oo badh laga jarayo.




Ku dhawaad Kun qof oo ka hawl-gala Saldhigaasi ayaa todobaadkan meel ku taala xeebta Magaalada Jabuuti ka dhistay Teendhooyin iyo Guryo kale oo macbal ah oo ay cabashadooda ku muujinayaan, iyagoo aan wax shaqo ah ka qaban xarunta saldhiga ee ay ka shaqeeyaan.




Shaqaalahan ayaa ka cabanaya go’aan ay shirkadda Shaqaalaha Saldhiga Maamusha oo magaceeda la yidhaahdo PPR, ku yaraynayso tirada shaqaalaha, isla markaana sida la sheegay Mushahar dhimis dhan 50% ku samaynayso iyo qorasho shaqaale ajaanib ah oo iyagana shirkaddu qoratay muddooyinkii u dambeeyay.




Shirkadda PPR ayaa la sheegay inay tiro shaqaale cusub ah oo u kala dhashay waddamada Bangaladhish iyo Hindiya qoratay, kuwaasoo dawlada Jabuuti ka soo horjeesatay qoristeeda, kana dalbatay Madaxda shirkadda inaanay qoran shaqaale aan u dhalan dalka Jabuuti, iyadoo dhanka kalena dawladu todobaadkan u dambeeyay soo faro-gelisay arinta shaqo joojinta shaqaalaha Reer Jabuuti.




“Dawlada Jabuuti waxay qoraalo u qortay Safaarada Maraykanka ee jabuuti iyo Madaxda shirkadda Shaqaalaha Saldhiga qandaraaska ku haysata oo aanu ka dalbanay inay joojiyaan waxyaabaha shaqaaluhu ka cabanayaan iyo inaanay waddanka keenin shaqaale ajaanib ah oo aan u dhalan, wada hadalbaana noo socda labada dhinacba, Inshaalaahna waxaanu filaynaa inay guul noogu dhamaato” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha dibada  dawlda Jabuuti oo Isniintii hadlay.




Geesta kale guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Jabuuti Cumar Ismaaciil oo shaqo joojinta Shaqaalaha ka hadlay ayaa sheegay inay dawlada Jabuuti iyo shirkadda Maamusha Shaqaalahaba kala hadleen cabashada shaqo joojinta sababatay, meel wanaagsana u marayo wada hadalku.




Guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Jabuuti, ayaa sheegay in Shirkaddu doonayso inay boqolkiiba konton dhinto shaqaalaha ka hawl-gala saldhiga ee Reer Jabuuti, Mushaharkoodana sidoo kale dhimayso, isagoo xusay inay arintaasi urur ahaan si weyn uga biyo diideen.




Ciidamada Maraykanka ayaa dalka Djabuuti saldhig ka samaystay mudo sideed sanadood ah ka hor, halkaasoo loo keenay la dagaalanka Budhcad-badeeda iyo Argagixisada Mandaqada.




Shaqo joojinta Shaqaalaha saldhigaasi ka hawl-gala ayaa samaysay hawlaha saldhiga iyo inay Ciidamada saldhiga joogaa helaan shaqooyinkii ay u qaban jireen kuwa shaqo joojinta ku dhaqaaqay, sida laga soo xigtay Saraakiisha Milateriga Maraykanka ee saldhigaasi ku sugan.




Gobanimonews




Djabouti Office




Email: editor@gobanimonews.com