Sunday, July 28, 2013

Ancelotti Oo Ugu Baaqay Kaka Inuu Horumarin Ku Sameeyo Oradkiisa.


Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Kaka uu orad gaabiyay islamarkaana uu u baahan yahay inuu sameeyo shaqo dheeri ah oo uu ku horumariyo xawaarihiisa.




Tababaraha Talyaaniga ayaa Kaka kula shaqeeyay AC milan, waxaana uu qeyb libaax leh ka qaatay inuu xiddiga reer Brazil noqdo mid ka mid ah xiddigaha adduunka ugu fiican.




Laakiin ka dib markii uu ka tagay Milan kuna biiray Madrid 2009kii, 31 jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu maqaamkiisii kubadeed sii hayo, iyadoo dhaawacyo ay diloodeen.




Ancelotti ayaana sheegay in Kaka uu sameynayo shaqo gaar ah oo kaga daba imaanayo kooxda inteeda kale, laakiin waxa uu sheegay inuu dhiiran yahay inuu ka mid noqdo line-upka kooxda.




Waxa uu u sheegay jariirada AS: “Aad ayuu u dhiiran yahay, sida qof walba uu yahay. Waxa uu u baahan yahay inuu sameeyo shaqo gaar ah sababtoo ah waxa uu u baahan yahay inuu horumariyo xawaarihiisa. Waxa uu bilaabay shaqo kaligiis ah labo maalmood ka hor, waana arki doonaa waxa dhaca maalmaha soo socda.








 




“Waxaan qabaa in xaalada jirkiisa ay soo hagaagi doonto. Waa uu dhiiran yahay; wax badan ma uusan ciyaarin xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu doonayaa inuu sidaas ka fiicnaado sannadkan.