Md Cali Warancadde oo la weydiiyay waxyaabaha ka horyimi xukuumaddii uu C/Raxmaan Axmed Cali madaxweynaha ka ahaa iyo doorkii uu qaatay hagaajinta maamulka dawladnimo ayaa ugu horreyn dhaqdhaqaaqii SNM ku bogaadiyay halgankii naf-hurka ahaa ee ay aayaha ummadda ku badbaadiyeen, waxa kale oo xusay duruufo laga garaabi karo oo hagardaamo ku noqday socodsiinta hannaankii dawladnimo ee Somaliland, gaar ahaanna in hawshii adkayd ee dalka lagu xoreeyay darteed ay suurtogal u noqon weyday in la habeeyo ciidamadii halgameyaasha ahaa ee baacsaday taliskii dalka ku amar ku-taaglaynayay
Isaga oo taas ka sheekeynaya waxa uu yidhi “Runtii markii waddanka aynu soo galnay waxa ina helay nidaam-xumo badan, waxaana horseed u ahaa markii SNM ay guulaha waaweyn gaadheen ee ay dalkana qabteen waxa meesha ku jirtay in la sii dejiyo qorshihii dalka iyo dadka lagu hagi lahaa, waxa fiicnayd in la soo qoondeeyo halka uu nin kastaaba hoggaanka iyo habaynta qaranka kaga hagaagayo laakiin waxa arliga qabsaday dagaal xooggan oo muddo dheer socday khasaare iyo mashaakiil badanna horseeday.
Taasi waxa ay meesha ka saartay in la sii dhigo hannaankii ciidamada halgamay loo kala hormayn lahaa, xafiisyada maamulna loo qaybsan lahaa iyo sidii hadhaagii dawladda gacanta loogu dhigi lahaa, waxaana jiray arrimo ay ka mid yihiin dhaqaale-xumo, waxoogaa khilaaf ah oo dhex yaallay hormoodkii SNM, hubka badan ee dalka dhex yaallay iyo in Ciidamadii SNM lagu hayn kari waayo xeryo sugan”.
Hadimooyinkii la waajahay markii dalku socod-baradka waxa ka mid ahaa maleeshiyaadkii qabaa’ilka ku salaysnaa ee “daydayga” loo yaqaannay oo sharci-darro ku hantiyay goobaha ay cashuuruhu ka soo xeroodaan, waa kan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka warramaya qayb ka mid ah sidii loo xalliyay arrimahaasi “Duruufahaasi waxa ay keeneen burbur iyo dib u dhac kooban waxaanan ka mid ahaa raggii markii dambe kaalinta ka qaatay sidii caqabadahaas looga gudbi lahaa, aniga oo ku dedaalay sidii laysugu keeni lahaa markii dambe ee ciidammadu ay kaantaroollada (isbaarooyinka) kala samaysteen ee ay kala fadhiisteen.
Taasina waxa ay ahayd mid dhib badan, waayo qofku haddii uu furto meel sharci-darro ah isla markaana uu u arkayo inay faa’iido ka soo gelayso sida looga fujiyaa waa mid adag, markaa dhallinyaradu markii ay magaalo walba iyo gobol walba dhinacyadiisa qabsadeen waxa ay keentay inay da’yarti meel walba dawlad u noqdaan iyaga oo aan nidaamkii xukuumadeed raacin oo ay cashuuro iyo lacago badan helaan, kolkii ay taas qabatimeenna waxa aad noogu adkaatay dhibaato badan ayaana naga qabsatay sidii looga kicin lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan ee dakhligana loogu shubi lahaa khasnadda dawladda oo keliya.
Madaxdii SNM ee markaas joogtay waa dedaaleen waxaanay ahaayeen rag dagaal iyo halgan dheer soo wada galay kana soo gudbay dhibaatooyin badan, aad mooddana inay aragtida ku kala duwanaayeen qaybo ka mid ahi, waana dabciga Bani Aadamka in lagu maandhaafi karo aragtiyaha ku salaysan jidka loo marayo gorfeynta iyo maaraynta arrimaha hadba taagan. Laakiin rag badan oo SNM ahaa iyo aniguba waanu dedaalnay. Waxyaabaha ugu mudan ee aan ka qayb-qaatay waxa ka mid ahaa sidii ciidamada loo qaramayn lahaa iyo habkii nabad iyo heshiis looga dhex unki lahaa beelaha”.
Markii dalku xoroobay kaddib gaar ahaan gu’yaalkii u dhexeeyay 1992-1996-ka waxa Somaliland ka dhacay iska hor-imaadyo qaarkood qabiillo u dhexeeyeen, kuwona ay xukuumadihii dalka iyo mucaaradyo ku kacsanaa u dhexeeyeen. Md Cali Maxamed Warancadde waxa uu ka mid ahaa masuuliyiintii dhexda ahaa ee ka shaqaynayay isu soo dhawaynta cid kasta oo xurgufi ka dhex dillaacdo, dedaallada uu qaybta ka ahaana waxa ay sababeen dermada nabadda ah ee maanta ummadda muwaadiniinta ahi ku wada fadhido.
Waa kan Wasiir Waranacadde oo xaajooyinkaas faahfaahinaya “Xilliyadii dambe ee ay colaaduhu ka dhaceen Somaliland waxa aan isku dayay inaan noqdo buundo (bridge) dhex ah si aan dadku u kala haajirin, colaadduna u sii daba-dheerarin oo aan u noqdo tiir adag oo ay qolo waliba dhan ka eegato. Taas oo aan uga jeeday in walaallada maqani i eegtaan, qolada aan la joogaana ii arkaan in aan ahay walaalkood oo aan meelna ka tegayn oo aan muujiyo in la yahay dad mucaarid iyo muxaafidba wada dhashay isla markaana geeri mooyee aan marnaba guluf iyo geeddi ku kala maqnaan karin.
Taasina qayb weyn ayay ka qaadatay dib u heshiintii iyo cuqdad la’aanta illaa maanta jirta ee iyada oo aan laga wada hadal ciddii lahayd sababta colaadahaas dhacay iyo wixii ka dhashayba inay ummadda Somaliland wada joogaan iyagoo kalsooni kala haysta, waxa ay dadka waddanku noqdeen sida qoys ka kooban aabbe, hooyo iyo carruurtii ay dhaleen oo xilli is-qabtay ayaantii dambena heshiiyay iyaga oo aan garramin. Runtii nabadayntaas aad baan ugu faraxsanahay, way jireen dad waagaas u arkayay dhib ama aan anigu ula muuqday nin aan fiicnayn, laakiin marka la isla soo dego runtana la wada arko waa la garanayaa qiimaheeda iyo qof kastaaba halka uu ku jiro”.
La Soco Qaybta Saddexaad Haddii Alle idmo
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista
saedmgahair@hotmail.com
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair