Thursday, July 25, 2013

Somalia: Sheikh X. Daahir Aweys oo la sheegay in la sii daayay , xili aanay Dawladu go’aan ka soo saarin


Muqdisho(GNA)-Ilo-wareedyo laga helayo Hay’ada Nabad-sugida somaliya ayaa tibaaxaya in Maanta gelinkii dambe ilaa caawa halkaasi laga sii daayay Sh. Xasan Daahir Aweys iyo xubnihii la socday oo dhamaa ilaa 12 xubnood.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dawlada somaliya iyo Hay’ada amaanka, balse warar lagu kalsoonyahay ayaa Warbaahinta u sheegay  in galabta la soo daayey 11 xubnood oo ka mid ahaa raggii xarunta nabad sugidda kula xirnaa Sh. Xasan Daahir Aweys, isla caawa fiidnimadii la sii daayey Sh. Xasan Daahir Aweys iyo C/fataax Maxamed Cali, oo ka mid ahaa xubnihii Xisbul Islaam ee la socday.




Dadka warkan laga soo xigtay ayaa sheegay in sii deynta Sheikha iyo kooxda la socotaa ku timi dedaal socday maalmahan oo ay ka wada qaybqaateen madaxda DF, odayaasha dhaqanka iyo dhowr dawladood si gaar ah isaga xilsaaray arrintan, kaasoo laga raadinayay xal dhinacyada wada qanciya.




Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa 25 June isu soo dhiibay Maamulka Ximin iyo Xeeb, ka dib markii ay isqabteen Hogaamiyaha Ururka Al-shabaab oo ay mudo sanado ah isbahaysi ahaayeen, waxaanu ka mid yahay shakhsiyaadka somalida ee ay Qaramada Midoobay ku dartay Liiska Argagixisada.




Mudo todobaad ah ka dib markii uu iska soo dhiibay Caddaado, ayaa loo soo dhoofiyay dhanka Magaalada Muqdisho, waxaana lagu xidhay xarunta nabad-sugida ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo su’aalo la xidhiidha baadhitaano lagu samaynayo lagu waydiinayay.




Intii uu xidhnaa waxa Magaalada ka dhacay Mudaharaadyo iska soo hor-jeeda oo qaarkood lagu dalbanayay in Maxkamad la soo taago, qaarna in cafis loo fidiyo oo la sii daayo, waxaanay dalabyadaasi noqdeen kuwo saamayn ku yeeshay rayul-caamka isha ku hayay waxay bulshadu ka aaminsantahay waddaadkan.




Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada somaliya ayaa ku doodayay inaan go’aan ka gaadhista waxa laga yeelayaa ku koobnaan doonin dawlada somalida oo qudha, balse ay jiraan kooxo badan oo door ku leh arinta sheikhan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com