Muqdisho(GNA)-Waxa Maanta Magaalada Amasya ee Dalka Turkiga Aas Heer qaran loogu sameeyay Askari ka tirsanaa Ciidamada Turkiga oo ku geeriyooday Weerar Al-Shabaab labo maalmood ka hor ku qaadeen Xarunta Shaqaalaha Turkiga ee Magaalada Muqdisho.
Aaska qaran ee loo sameeyay Sinan Yılmaz oo ahaa 42 sano jir kana mid ahaa ciidamada illaalada khaaska ah ee dalkaasi Turkiga ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin sar sare oo u dhashay Dalka Turkiga iyo ehelada Marxuunka geeriyooday.
Askarigan ku geeriyooday Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta ay dagnaayeen Shaqaalaha Turkiga ayaa shalay laga dajiyay Dalkaasi iyadoona isla Maantaba lagu aasay Magaalada Amasya oo ah magaalada uu kasoo jeeday.
Masuliyiinta ka qeyb galay Aaska waxa ka mid ahaa Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Muammer Güler, Duqa magaalada Amasya Abdil Celil Öz iyo Safiirka Soomaaaliya u fadhiya Dalka Turkiga.
Wasiirka Arrmaha Gudaha Dawladda Turkiga oo ka hadlay Xafladda aaska ayaa sheegay inaanay dhacdada Askarigani ku dhintay dhaawici doonin xidhiidhka adag ee ka dhexeeya labada Dawladood ee somaliya iyo Turkiga.
Wasiirka ayaa tacsi u diraay muwaadinkii Soomaliyeed ee ku geeriyooday weerarkaasi, isagoo dadkii kale ee ku dhaawacmayna Caafimaad ugu duceeyay.
Maalintii Sabtida ayaa Weerar lagu qaaday Xarunta shaqaalaha Turkiga ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi sheegatay Kooxda Al-shabaab.
Madaxda dawlada somaliya ayaa cambaareysay cidii weerarkaasi, waxaanay ka tacsiyadeeyeen dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay.
Askarigan ayaa noqonaya kii koowaad ee Turkish ah ee lagu dilay Somaliya, tan iyo markii ay Achor bilowday hawl-galada dhinaca gar-gaarka iyo dib dhiska isugu jira ee ay waddo somaliya.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com