Monday, July 29, 2013

DFS iyo SLN oo mid waliba Qorshe gaar ah ku Waajahayo Shirka Brussels ee 16 September iyo Mawqifka Midowga Yurub.(Warbixin)


Hargeysa(GNA)-Aragtiyo isdiidan ayay Somaliland iyo somaliya ka bixinayaan ka qayb-galkooda shirka Midowga Yurub mart-gelinayo ee lagu meel-marinayo waxa loogu yeedhay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Beesha caalamka iyo Somalia ee dhinaca taakulada iyo dib u dhiska waddanka.




Somaliland ayaa sheegtay inaanay shirkaasi ka qayb-galkiisa ku daba-faylayn dawlada somaliya ee uu Xasan sheikh Maxamuud hogaamiyo.




Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sabtidii ka hadlay xaflad uu xilka kula wareegayay, ayaa ku dooday inay Beesha caalamka iyo qaadhaan-bixiyayaasha shirkaasi qabanaya kala hadlayaan sidii laba shir oo kala duwan oo arintan ku salaysan loogu qaban lahaa iyaga iyo somaliya.




Waxaanu carabaabay hadii taasi la waayo inaanay masiirkooda siyaasadeed iyo madaxbanaanidooda ku luminayn inay mucaawimooyinka shirkaasi lagu dejinayo la wadaagaan dawlada somaliya.




“Shirka Brussels ee September, waxaanu doonaynaa inay Midowga Yurub shirkaa si gaar ah noola macaamilaan oo aanu kala qorshe noqono somaliya, laakiinse kama qayb-galayno hadii aanu somaliya ku daba-faylayno”ayuu yidhi Maxamed Biixi.




Geesta kale, madaxweynaha dawlada federaalka Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo todobaadkii hore ka hadlay shir lagu gorfeynayay ajandeha shirka Brussels, ayaa sheegay inay dawladiisu rejo wanaagsan iyo waxtar umadda somalida wada gaadha ka filayso shirkaasi.




Xasan Sheikh Maxamuud oo ugu horayn qeexaya ujeedada New Deal Compact, waxa uu yidhi “Dukumiintiga COMPACT ee la diyaarinayo waa mid lagala tashtay bulshada rayidka ah, maamulada dalka ka jira oo dhan iyo khubaro ku takhasustay diyaarinta dukumentiyada. Dhammaan mashaariicda aan dooneyno in dalka laga hirgeliyo waxay noqonyaan kuwo laga fuliyo dhammaan dalka oo dhan.”




Madaxweynaha somaliya waxa uu cadeeyay inay shirguddoonka shirkaasi ku wehelinayso dawladiisu midowga Yurub.




 “shirka Brussels waa mid ay dowladda Soomaaliya la shir-guddoomineyso Midowga Yurub, kaasoo ay hordhigi doonto dowladdu dukumintiga (COMPACT) oo si wanaagsan loo diyaariyay kana turjumaya baahida mashaariicda dib loogu dhisi karo dalka oo dhan. Waa fursad qaali ah oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka wada faa’iideysan doonaan, shaqana u abuuri doono dhallinyarada Somalia isla markaana xasilintooda iyo degennaanshaha dalka qaybweyn ka qaadan doona.




Hadalka Xasan sheikh oo sida muuqata ka hor-imanaya rabitaanka dhinaca Somaliland waxa sii tah-giidinaya inuu shirku dhanka somaliya muhiimada siinayo beyaan ka soo baxay Xafiiska midowga Yurub 26 bishii June ee aynu soo dhaafnay,kaasoo daboolka ka qaadaya in nuxurka shirkaasi xambaarsanyahay sidii loo taageeri lahaa dib u dhiska Somaliya oo ay Somaliland ku jirto, laakiinse aan la kala qaad-qaadahayn.




“Dawlada federaalka somaliya iyo midowga Yurub (EU) waxay si wada jir ah u marti-gelinayaan shir looga hadlayo qorshaha wada shaqaynta cusub ee somaliya oo ku dhici doona Brussels 16 September 2013.




Shirkan Caalamiga ah waxa lagu xaqiijinayaa qorshe wada shaqayneed oo cussub, kaasoo ay wada gelayaan dadka somalida ah iyo Qaadhaan-bixiyayaasha  Caalamiga ah si loo dejiyo waxyaaaha daruuriga ah ee furaha u ah iyo Taageero cusub oo ku waajahan dib u dhiska Somaliya ee saddexda sanadood ee soo socda”ayaa lagu yidhi warsaaxaafadeedka ka soo baxay Midowga yurub.




Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in waxyaabaha shirkaasi lagu taageerayo ama lagu dejinayo ee somaliya laga caawinayo ay ka mid yihiin Amaanka, Dawlad wanaaga iyo dib u dhiska waddanka.




Hadaba marka la eego wararka ka soo baxaya saddexda dhinac ee arintu wada khusayso waxa muuqata inuu dhici karo khilaaf la mid ah kii ka dhashay shirkii May ee London lagu qabtay oo ay Somaliland diiday inay ka qayb-gasho, taasoo hadii ay dhacday mar kale abuuraysa yooyootan dhinacyada ka dhexeeya oo natiijo la’aan ku dhamaada.




Somaliland ayaa Midowga Yurub ka hesha Mucaawimo kala duwan oo aan wali si toos ah loo siinin, inkasta oo la filayay inay Caawimadaasi toos u siiso.




Sidoo kale somaliya ayaa Taageero badan ka hesha dalalka ku bahoobay Ururkan, isla markaana sanadihii ugu dambeeyay Taakulo ka badan xiliyadii hore ka heshay.




Hase yeeshee lama saadaalin karo sida ay wax ku dambeyn doonaan iyo qaabka loo dejin doono deeqaha ay Midowga Yurub siiyaan labada dhinac hadii lagu guul-daraysto in si wada jir ah oo isfaham ku dhisan loom eel-mariyo nidaam lagu kala saarayo Dhaqaalaha labada dawladood ka helayaan Midowga Yurub.




Halkan ka akhri: Warsaxaafadeedka midowga Yurub ee Shirka Brussels:








Gobanimonews




Email: editor@gobanimonews.com