Monday, July 29, 2013

Magacyada iyo da’da Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan xabsi ku yaala Mauritius.


Mauritius(GNA) Hay’ad Xuquuqda Aadanaha qaabbilsan ayaa sheegtay in loo diiday in ay booqato 12 Soomaali ah oo ku xidhan Mauritius, dadkaas oo la eedeeyay, balse aan weli dembi lagu helin magacyadooda  iyo Da’dooda waxa ay kala yihiin sidatan:




Abdulkader Mohamed Ali 22- jir, Said Mohamed Hassan, 23- jira, Ahmed Mohamed Ismael, 27-jir, Shafi Mohamed Osman 22- jir, Hassan Salad Omar 25-s jir, Said Omar Farah 22- jir, Mohamed Abdiahi Ahmed 45- jir, Ali Hassan Mohamed 21- jir, Abdi Mohamed Kidiye 37-jir, Abdi Ahmed Yussuf 20- jir, Abdillahi Mohamed Ahmed 24- jir, Mahad Mohamed Ibrahim 21- jir




Jasiiradan ayaa waxay ka mid tahay wadamada ay Midowga yurub heshiisyada kula galeen in lagu maxkamadeeyo kooxaha Burcad badeedda Soomaalida marka gacanta lagu soo dhigo, waxaana sidoo kale xabsiyada caalamka ku dhibaateysan dad Soomaali ah, kuwaas oo marar badan dalbaday in gacan laga siiyo dhibaatada xabsiyada ku heysata.




Diyaarintii:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com