Sunday, July 28, 2013

SLN: Madaxweyne Siilaanyo Madaxtooyada ku Qaabilay Sheikh Abaal-marin ku Mutaystay Wax-barida dadka waaweyn






Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo ka mid ah Culimada waa weyn ee Gobolka Awdal wax ka dhiga gaar ahaan Markiska Weyn ee Iimaamu Shaadibi oo uu ka dhigo Qur’aanka Kariimka.




Sidaasi waxa lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada oo ku saabsan kulankaasi.




Sheikh Xuseen qalinle ayaa ah waddadka sanadkan ku guulaystay Abaal-marinta Caalamiga ee ay bixiso Raabidatu Caalamu Islaam taasi oo la siiyo Macalinka ugu wanaagsan sanad walba aduunka oo uu sanadkan 2013- isagu ku guulaystay.




Sheikha ayaa wax bara  Dadka Waa weyn, kuwaasoo uu baro Culuumta Diinta ee Qur’aanka iyo Axaadiista.




Gudida bixisa jaa’isadan siiyay  oo fadhigoodu yahay Sucuudi Arabiya ayaa Bishan Ramadaan ee Barakaysan waxa ay sheekha u garteen in uu isagu noqdo qofkii ugu Mudan Caalamka ee k u guulaysta Abaal-marintan.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Qasriga Madaxtooyada Waddaadka ku  Hambalyeeyey Jaa’isada qaaliga ah ee uu ku guulaystay iyo magaca uu u soo hooyey dalkiisa hooyo, isagoo ku  dhiiri geliyey in uu dedaalkiisa halkaasi ka sii wado.




Waxaana madaxwweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Culimo badan oo sheekha la socotay.




Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa toban ka  hor ah waxa uu qasriga Madaxtooyada Afur ugu sameeyay inta badan Culimada waaweyn ee waddanka, kuwaasoo uu beyaamiyay inay Xukuumaddiisu la shaqaynayso, soona dhaweynayso talo iyo tusaale wixii ay u soo gudbinayaan.




Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu todobaadkan Maal-geliyay oo uu Jimcihii shalay Jaa’isado qaaliya ku bixiyay Tartan dhinaca Qur’aanka iyo Axaadiista ah, kaasoo abaal-marino kala duwan oo Gaadhi cusub ku jiro shalay la guddoonsiiyay afartii qof ee ugu horeeyay.




Talaabooyin is-xig-xiga ee uu madaxweynuhu Bisha ramadaanta kula tacaamilayo Bulshada dhinaca Diinta ka shaqaysa, gaar ahaan Culimada iyo da’yarta Diinta Baratay ayaa u muuqda kuwo uu ku dhiiri-gelinayo Barashada cilmiga Diinta iyo inay Dawlada iyo dadka Diinta ka shaqeeyaa isku xidhmaan.




Taasoo marka la eego xoojinaysa in hormuudka dhanka Diintu ka qayb-qaataan toosinta Maamulka iyo inay dawladu wacdi badan ka qaadato Culimo-awdiinka oo aan badankoodu la dhacsanayn ku talax taga Nidaamka Dimuquraadiyada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com