Thursday, July 25, 2013

SLN:Golaha Madaxbanaan ee Wadatashiga iyo Toosinta oo soo dhaweeyay shirkaTalo-qaran ee mucaaridku ku Baaqeen


Hargeysa(GNA)Golaha madaxbanaan ee wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa soo dhaweeyay shirkii Talo-qaran ee ay Asxaabta mucaaridka ahi ku baaqeen shalay.




sidaasi waxay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay soo saareen maanta, kaasoo u dhignaa sidan:-




JAMHUURIYADDA SOMALILAND
                                                                             REPUBLIC OF SOMALILAND
 
Golaha Madaxa Banaan Ee Wadatashiga Iyo Toosinta
                                                                        Warsaxaafadeed
Ujeddo/Taageero
Ramadaan Kariim
Hadii aanu nahey Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka
Waxaanu si diirana u soo dhaweyneynaa Heshiiska labada xisbi mucaarad Shaley Ku Gaadheen magaalada Hargeysa gaar ahaan
Hotel Ambassador
Waxaa kale oo aanu soo Dhaweyneynaa Baaqii iyo Talooyinkii ay jeediyeen ee aheyd in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaado TALO LOO DHAN YAHEY
Waxaanaanu Qabnaa iney Tahey Wadada aynu ku xalin karno dhibaatooyinka ina horyaala,Somalilandna ay ku Caana maalikarto
Ugu Danbeyntii Waxaanu labada Xisbi Mucaarad ku dhiiri galineynaa iney la yimaadaan Qorshe Cad oo Siyaasadeed Oo Wadankan waxa inaga khaldan aynu ku sixi karno   
Si aynu cagta u saarno Dariiqa Toosan oo ummadan Gaadhsiiya
Ictiraaf,Horumar iyo Badhaadhe




Gudoomiyaha Golaha Wadatshiga iyo Toosinta Qarankan
Muj: Xasan Guure Jaamac




 




Allaa Mahad Leh