Tuesday, July 30, 2013

SLN: Jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo Dayac badani soo food-saaray, xili Dawladu Malaayiin lacag ah ku bixiso Loolan iyo Laaluush siyaasadeed


 Hargeysa(GNA)-Dayac iyo Bur-bur laxaad leh ayaa soo food saaray Jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa oo muhiimad weyn u leh isu socodka Goboladda Somaliland, siiba Magaalada Berbera oo ay ku taalo Dekedda wax uga soo degaan Somaliland  iyo Goboladda Galbeedka oo ay ka mid tahay Magaalo Ganacsiga Wajaale  ee xuduudka saaran.




Jidkan ayaa meelo badan ka googo’an, isla markaana gaadiidku dhibaato kala kulmaan xiliga ay marayaan, iyadoo uu jiro dil-dilaac iyo Godad tiro badan oo dayac tir iyo hagaajin u baahan oo wadadaasi soo food-saaray.




Boqolaal Gaadiid ah oo isugu jira kuwa Xamuulka qaada iyo kuwa ay raacaan dadka isaga goosha laba Gobol ayaa maalin kasta Isticmaala Jidkaasi, kuwaasoo dhibaato dhanka socodka ah kala kulma, isla markaana mar kasta oo ay ku safrayaan halkaasi karahsada Godadka iyo Laagaha ka dilaacay Diilinta Laamiga oo labadii KM mitirba tobanaan god iyo dilaac ka muuqdaan.




“Wadadan waxa dhisay Cumaan, sidii loo dhisayna wax dambe oo hagaagsan lagama qaban, waxaanad moodaa inaanay dawladu warba ka hayn, waxaana maalin walba soo mara boqolaal Gaadhi oo sida Badeecado kumanaan ton ah iyo kuwo dad la socdaan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Wadayaasha sida joogtada ah u mara wadadasi.




Magaalada Berbera ee Jidkani galo ama ka soo baxo waxa ku yaala Dekedda Somaliland Baddeecadaha Ganacsiga iyo kuwa kaleba uga soo degaan, taasoo dawladu ka hesho saddex meeloodow laba meelood Dhaqaalaha ay ku shaqayso iyo Madaarka ugu weyn waddanka oo hada ay maalin kasta oo degaan boqolaal qof oo dibada iyo dariska diyaarado ka soo raacay, kaasoo isuguna muhimaad khaasa ugu fadhiya dhanka Dakhliga iyo adeega socdaalka dadweynaha ee dibada iyo gudaha.








 



Dhanka kale Magaalada Hargeysa ayaa ah Caasimadda dalka oo ay Kumanaan qof si joogto ah muraadyo uga soo raadsadaan Goboladda Bari ee Somaliland oo Dariiqan soo mara, kuwaasoo dadka berbera iyo hargeysa u soo kala safra la qaba dhibaatada dayaca wadada ka dhalata .




Deegaamada ugu daran ee wadadu ka bur-bursantahay waxa ka mid ah inta u dhaxaysa Tuulada xamaas iyo ilaa Dacar budhuq oo dhinaca Gobolka Saaxil ah iyo Degmada Aw-barkhad leh ilaa iyo Dacar Budhuq, haba ugu darnaadeen kuwa dhinaca Berbera ka xiga Dacar-budhuqe.




Wariye ka tirsan Warbaahinta Gobanimonews oo safar ku maray jidkan ayaa indhihiisa ku soo arkay meelo ka mid ah wadadan oo Bohol waaweyn noqday iyo jeex-jeexyo ka dilaacay oo u daran socodka Baabuurta, kuwaasoo gawaadhida Rarka culus sidaa ku maraan xawaare aad u hooseeya, kuwa lagu tamashleeyo iyo kuwa dadka qaadaana rafaad ku maraan.




Inkasta oo ay jiraan meelo badan oo wadadan laga kab-kabay wakhti hore oo ay sii muuqdaan raadad muujinaya in xili hore dayactir lagu sameeyay, hadana  bur-burka soo wajahay xiligani waxa uu muujinayaa inaan waxba laga qaban muddo dheer oo ay Roobab waaweyni ka da’een deegaamada ay marto, isla markaana Daadadku jareen qaybo badan oo ka mid ah jeex-jeexyada ka dilaacay.




Wax- ka qabasho la’aanta dayaca Jidkan ayaa lagu dhaliilayaa xukuumadda Somaliland iyo dadka Ganacsatada ah ee ay Hantida badani u soo marto Maalin kasta, kuwaasoo aan la odhan kari way ka war ka la’yihiin dayaca la soo dersay, balse u muuqda kuwo indhaha ka qarsanaya arintan.




Waxaana si gaar ah loogu canaannayaa Hay’ada dawlada u qaabilsan horumarinta Waddooyinka oo hawshani si gaar ah u khusayso, taasoo sanadkii hore Madaxweynuhu digreeto ku hoos-geeyay Wasaaradda madaxtooyada, ilaa hadana shaqo muuqata oo ay qabatay jirin, marka laga yimaado Wadooyin iskaa wax u qabso lagu sameeyay oo Wasiirka madaxtooyada xadhiga ka jarayay Bilihii u dambeeyay.




“Lacagta Berbera ka soo baxda waxa lagu cunaa Madaxtooyada, Laamida la soo mariyaana waataasoo dayac iyo dar xumaa ka muuqata, sidii loo sameeyayna dayactir hagaagsan oo dambe lagu samayn”sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Waddeyaasha Baabuurta dadweynaha qaade ee u kala gooshta Hargeysa iyo Berbera.




Si kastaba ha ahaatee maa jirto ceeb iyo Dhaliil ka weyn dal dhan oo uu bur-buray dariiqii isku xidhayay Caasimadiisa iyo Magaalada ay ku taalo Dekedda kali ah ee ay wax uga soo degeen, kana soo galo dhaqaalaha ugu badan ee ay dawladu hesho, hadana Mujtamaca Caalamka mar kasta waydiista inay maal-gashi ka samaystaan.




Waayo? Ma jiro Dal ama qof Hantidiisa ku aaminaya dawlada iyo dad Baylahda Hantidoodu Al-baabka laga soo galo ilaa Daakhilka wadhantahay oo waxba ka qaban kari waayay, hadana maalin kasta yooyoon siyaasadeed iyo loolan Doorasho ku jira, sida hada ka muuqata Somaliland oo kale.




Si aanay taasi u dhicin, hadii ay dhacdayna looga soo kabto, waxa muhiim ah inay xukuumadda talada haysa iyo Maalqabeenada Malaayiinka Dollar marinkaasi u soo maraan iska kaashadaan dib dhiska waddan, isla markaana waddamada qaadhaan bixiyayaasha  u bandhigaan sidii Biriijyo looga dhisi lahaa Doocyada waaweyn ee wadadan ka gudba oo ah Mahalako sanad kasta Xilyada Roobka  ay ku naf-waayaan tobanaan qof, hanti badanina ku baa’bado.




Hadiise taasi la samayn waayo, ma jirto wax macno ah oo ay samaynayso Dimuquraadiyad iyo horumar siyaasadeed oo waddanku gaadhaa, dayacanina wuxuu noqon doonaa mid saamayn dhaqaale iyo mid nololeedba yeesha.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com