Tuesday, July 30, 2013

Suldaanka Iyo Siilaanyaba Toljeclaa Siiyey Kalsooni Aan Dhamaan.By. Axmed C. Kheyre


Hadii aanu nahay qurba joogta Toljecle waxaanu ka raali galinaynaa xukumada iyo shacbi weynaha somaliland warar been abuura oo laga fidiyey beeshan, kaaso in dhawaalaba si indho la'aana oo ka fog wadaniyada islaamnimada looga been abuuranayo beesha,




wararkaas oo markii aanu daba galnay noqday kuwa aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaanu uga digaynaa kuwa magaca beesha ka been abuuraynayaa in magaca beesha ay iska dhigaan, oo ay u badhaadheen iyagu danta ay leeyihiin, una hadlaan cida ay yihiin, uma baahna Toljecle in nin sumad laawi uu maalin walba wax beena intuu iska soo qoro uu u qaybiyo saxafad aanu ku tilmaami karno in ay noqotay SAFEEXADII qarankan jeex  jeexaysay.




Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan shacbi weynaha somaliland, in aanay dhici karin in koox kaliyii ay iyagu isu muujiyaan in ay yihiin kuwa ay ka go an tahay talada qaranku, waana  meel ka dhac in dhalinyaro ay tidhaahdo Suldanbaan xil ka qaadnay, waxanu leenahay magaca reerka meel hagaga dhicina, ka jooga waxaa aad ku jirtaan, una baydha sidii qarankan wixii kaga maqan Toljecle uu raadsan lahaa si la mida sida sharciyadu u fasaxayso.




 




Beel ahaana waxaanu halkan ka cadaynaynaa hadii aanu nahay qurba jooga beesha Toljecle, in aanu tageersanayn haba yaratee urur sharci dara ah, Toljeclena wuxuu ka taagan yahay meel adag, markay noqoto ilaalinta sharciyada iyo nidaamka dastuuriyaga ah ee dalka ka jira, waxaanu ugu baaqaynaa kooxda isku magacowday ururka wada tashiga in ay talada qaranka dib ugu soo laabtaan oo ay dalkooda ka dayaan doc faruurka.




 




Gudoomiyaha Qurba Jooga Toljecle




Ahmed Ali Khayre




Sweden




axmedkhayraad1@hotmail.com