Wednesday, July 31, 2013

Xukuumadda Itoobiya oo ku Eedeysay Dowladda Eritera inay weli Taageero siiso Al-shabaab oo Soomaaliya. ka


Addis Ababa (GNA) Dowladda Itoobiya ayaa sheetay in nabad lagu soo rogo Soomaaliya ay daba-dheeraan doonto inta Eritrea ay taageero u fidinayso Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta oo xidhiidh dhow la leh urur-weynaha Al-Qaacida.




Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti ayaa ka sheegay Addis Ababa in howlgallada nabad raadinta ee Soomaaliya ee ay ka mas’uulka tahay Midowga Afrika in aaney  noqon doonin kuwo midho-dhal ah inta Asmara ay taageerada Al-shabaab waddo.




“Inkastoo nabadda Soomaaliya ay sidii hore kasoo raynayso, haddana weli Eritera waxay si xooggan u waddaa taageerada ay u fidinayso Al-shabaabta Soomaaliya, si ay shidaal ugu shubto dhibaatada Soomaaliya,” ayuu Mufti ku yidhi wareysi uu siiyay wargeys kasoo baxa dalka Sudan.




Dina Mufti oo sii hadlaya ayaa yidhi: “Xukuumadda Asmara waxay xadgudub joogto ah ku haysaa qaraarkii golaha ammaanka ee cunno-qabteynta lagu saaray Soomaaliya, tanina waa mid ka horimaanaysa ammaanka gobolka oo dhan.”




Xukuumadda Itoobiiya waxay beesha caalamka ka dalbatay in gacan buuxda laga geysto sidii loo xaqiijin lahaa cunno-qabteynta lagu soo rogay Erirrea oo uu kala dhexeeyo dagaal ay in ka badan 70,000 oo askari ku dhinteen.




Ergayga Eritrea u jooga xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa weli jawaab kama bixin eedeymaha ay Itoobiya u jeedisay dalkiisa, sidoo kalena ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay Asmara, inkastoo ay dhowr jeer oo hore isaga fogeeyeen eedeymahan oo kale.




Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Mufti ayaa sheegay in aanu jirin qorshe dhameystiran oo dalkiisa uu ciidamada kaga saarayo Soomaaliya, balse qaybo ka mid ah dalka ay ka baxayaan.




“Ma jiro qorshe la isku raacsan yahay oo aan ciidamadeenna uga saarayno Soomaaliya oo dhan,” ayuu yidhi Mufti isagoo intaas ku daray: “Ciidamada Itoobiya way sii joogi doonaan Soomaaliya inta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay awood u yeelanayaan inay iska difaacaan weerar walba oo khatar ku ah natooda.”




Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu taageero joogto ah siiyo dowladda federaalka Soomaaliya, inta ay suuro-gal ka noqonayso in Soomaaliya oo dhan ay nabad noqoto.




Diyaarintii:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com