Wednesday, July 31, 2013

SLN: Jahawareer ka taagan Digniin Jaamacadda Hargeysa laga siiyay Weeraro ku soo fool leh oo Dad loo xidh-xidhay iyo Baabuur Bilayska laga jajabiyay


Hargeysa(GNA)-Tiro dad ah oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo Baro-yaal ka hawl-gala Jaamacadda Hargeysa ayaa u xidh-xidhan dhacdo  Doraad ka dhacday jaamacadda hargeysa, taasoo xili ay Ardaydu wax-barashada ku jirtay lagu war-geliyay inay jiraan digniino sheegaya weerar lagu soo qaadayo Jaamacadda.




Arintan oo sababtay in mar kaliya ay Ooda Jabiyaan dhamaan Ardaydii waxbarashada ku jiray iyo Macalimiintoodiiba, si ay uga baxsadaan qaraxyo lagu war-geliyay inay ku soo fool-leeyihiin xarunta Jaamacadda, ayaa waxa la sheegay in loo xidhay Taliyihii Rugta Bilayska ee Jaamacadda, macalin ka mid ah Barayaasha Jaamacadda iyo dhawr qof oo kale, kuwaasoo la sheegay inay Laamaha Baadhistu su’aalo waydiinayaan.




Saraakiisha Bilayska ayaa Gobanimonews u sheegay in warka cabsida abuuray ee Jaamacadda galay uu sheegay Sarkaalkii haystay Ciidanka Ilaalada Jaamacadda  iyo mid ka mid ah Macalimiinta oo shalay la qabtay, ka dib markii sida la tibaaxay Taliyuhu warkaasi ka helay Sarkaal kale oo ka tirsan Saldhiga uu ka tirsanyahay.




Dhacdadan oo ka sekow ardayda jaamacadda hargeysa, cabsi iyo Jahawareer ku abuurtay bulshada ku dhaqan Xaaafadaha jiiraanka la ah, gaar ahaan Pepsi-ga iyo Isha-boorama, ayaa ka gadaal markii ay waxba dhici waayeen waxa loo arkay Dacaayad iyo borobogaande loo jeeday Jaamacaddan oo ay wax ka dhigtaan Kumanaan arday  laba gelin ee maalintii.




Hase ahaatee sida ay Saraakiisha laamaha amaanku Gobanimonews u xaqiijiyeen wali waxa jirta cabsi iyo foojignaan laga qabo arintaasi, taasoo sababtay in la adkeeyo amaanka Jaamacadda iyo guud ahaanba Nawaaxigeeda, inkasta oo aan ilaa hada la hayn xog rasmiya iyo macluumaad la xidhiidha jiritaanka weerarkaasi iyo cida soo maleegaysa toona.




Sidoo kale sheekadan ayaa dhalisay hawl-galo baadhis ah oo ay Ciidamada maanku ka fuliyeen Xaafadahaasi, hawl-galadaasi oo iska hor-imaad ka dhex abuuray Bilayska iyo Bulshada Rayidka ah, ka dib markii ciidanku xoog ku galeen guryo ay baadhayeen, ka dibna ay isku dhaceen dhalinyarada xaafada oo isku dayay inay is-hortaagaan baadhitaanka.




Isku dhaca dhalinyarada iyo bilayska ayaanu wararka ku helnay in lagu jajabiyay ilaa saddex gaadhi oo ka mid ah Gaadiidka Gurmadka deg-dega ah oo dhawaan la siiyay Ciidanka Bilayska, kuwaasoo laga jajabiyay muraayadaha iyo  qalabkii isgaadhsiinta ee ku xidhnaa.




Sidoo kale waxa jira warar aan wali soo shaac bixin oo sheegaya in Odayaash iyo dadka wax-garadka ah ee Xaafada PEPSI-gu cabasho ka dhan ah hawshan u soo gudbiyeen wasaaradda Daakhiliga, iyagoo ku andacoonaya in war-xumo tashil iyo borobogaande ka dhan ah Xaafadooda la wado, isla markaana shaki iyo jahawareer lagu abuurayo Bulshada halkaasi ku dhaqan.




Xaafaddaha PEPSI-ga iyo Isha boorama ayaa ka mid ah Xaafadaha ugu amaanka wanaagsan Magaalada Hargeysa, waxaase horaantii sanadkan ka dhacay dil fool xun oo cabsi badan dhaliyay, kaasoo lagu dilay Nin Gaadhi taxi ah watay, ninkaasoo markii la dilay Maydkiisa la dhex dhigay Gaadhigiisii, dabadeed meel xaafado dhexdood ah la soo dhigay.




Dilkaasoo noociisu ku cusbaa Magaalada, markii Bilaysku baadhayna la sheegay inuu fuliyay Nin ay Dhul isku haysteen Ninka la dilay, ayaa muddo hadal-heyntiisu ka socotay Xaafadaasi.




Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha Ciidanka Bilayska iyo Wasaaradda Daakhiligu toona kamay hadlin dhacdadan ugu dambeysay ee salaasadii ka dhacday Xaafadaasi iyo Jaamacadda hargeysa, ilaa hadana lama hayo tirada dhabta ah ee dadka loo xidh-xidhay Kiiskan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com