Tuesday, July 30, 2013

SLN: Wasaaradda Ganacsiga oo kala xadaysay noocyada Ganacsiga iyo Sharciyada loo adeegsanayo






Hargeysa(GNA)-Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaa shaaca ka qaaday inay dawladu kala xadaynayso Noocyada ganacsiga dalka.




Afar nooc ayuu sheegay in loo kala saarayo Ganacsiga kuwaasoo oo kala Jumladle, Tafaariiqle, soo dejiye iyo dhoofiye, waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu maanta la hadlay Warbaahinta dawlad.




“Wasaarada Ganacsigu waxa ay samayn doontaa xog ku saabsan dhibaatooyinka ka dhashay kala xadayn la’aanta ganacsiga isla markaana ay u soo bandhigto shacabka iyo dawladdaba”ayuu yidhi Bashiir Cabdi Xariir.




“Sharciga waxa ka mid ah In ganacsatadda la siiyo muddo ku filan in ay qaataan liisamada ku haboon ganacsigooda, mudadaasi ka dibna aan la aqbali doonin ganacsade aan haysan liisankii mehereradiisa iyada oo uu ganacsade waliba liisankiisa ka qaadan doono gobolka uu joogo”ayuu intaasi raaciyay.




Isagoo sii sharaxaya noocyada look ala saarayo Ganacsatada waxa uu sheegay “Sharcigani waxa uu dhigayaa in ganacsadaha qaata liisanka Jumladuhu aanu iibin Karin Tafaariiq, halka ka tafaariiqda qaataana aanuu iibin Karin jumlada”.




Sharcigan ayaa ah mid baahi weyn loo qabo hadii uu dhaqan galo, waxaanu saamayn ku yeelan doonaa kumanaan Ganacsade oo isku dhex wadda Jumlada iyo Tafaariiqda Ganacsiga, taasoo dhibaato ku ah kuwa iyagu ku kooban Tafaariiqda oo qudha.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com