Sunday, July 28, 2013

Dadka ka faalooda arrimaha Carabtu maxay uga Dar-daar warinayaan Mustaqbalka Masar






Qahira (GNA)-Wali waxa sii socda Banaan-baxyada iska soo horjeeda ee ay dhigayaan Kooxaha Taageersan Milateriga Waddankaasi ee talada xooga kula wareegay iyo kuwa wali dalbanaya in Madaxweyne Maxamed Mursi xukunka lagu soo celiyo, kuwaasoo Mudaharaadyadii ugu balaadhnaa dhigay Maanta oo Jimce ah.




Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay dibad-baxyada Maanta oo wer-wer badan laga qabay inay ka dhashaan isku dhacyo dhex mara labada dhan, ka dib markii ay Kooxda Walaalaha Bahoobay wacad ku mareen inaanay joojinayn mudaharaadyada ilaa talada lagu soo celinayo Madaxweyne Maxamed Mursi.




Wasiirka Gaashaan dhiga ee dalkaasi ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada, ayaaArbacadii Doraad ku baaqay inay Taageerayaasha Milaterigu Jimaca isugu soo baxaan dibad-baxyo ay ku muujinayaan Taageerada ay u hayaan isbedelka dalkaasi ka dhacay, laguna daadifeynayo dalabka waxa uu ugu yeedhay Argagixisada iyo shar wadayaasha dalka Khal-khalinaya.




Hase ahaatee hadalka wasiirka waxa gaashaanka u daruuray Ururka Ikhwaanka oo sheegay inuu hadalkaasi Dagaal sokeeye ka bilaabayo dalka, waxaanay ku adkeysteen inay sii wadayaan Mudaharaadka ilaa talada lagu soo celinayo Mursi.




Dhinaca kale bayaan ka soo baxay Golaha Milateriga Khamiistii shalay, ayaa lagu sheegay inaanay ciidamadu u dulqaadin doonin kuwa sii wada rabshadaha, waxaana bayaankaasi lagu cadeeyay inay mudo 48 Saacadood ah u qabanayaan Kooxaha ka soo horjeeda Milateriga inay ku soo biiraan dedaalada lagu soo celinayo amaanka dalka.




Ka dib markii ay soo baxeen hadalada ay isdhaafsanayaan labada dhinac , waxa sii kordhay xaraadada iyo walaaca laga qabo Mustaqbalka  dalka Masar.




Prof. Cabdiwahaab Sheikh Cabdisamad oo ka faalooda arrimaha Carabta, ayaa sheegay in Masar Waajahayso dagaal sokeeye marka la eego isbed-bedelka xaaladaha taagan iyo sida ay u sii xumanayaan.




Waxa uu sheegay in qas iyo fowdada oo sii balaadhata lagaga badbaadi karo oo qudha saddex arimood “Masar waxay Dagaal sokeeye iyo isku dhacyo, waxa weeye 1- in Milaterigu si toosa ula wareegaan talada, in talada lagu soo celiyo Madaxweyne Mursi iyo inay Ikwaanu Muslimiinku ogolaadaan inay ku soo biiraan dawlada ku-meel gaadhka ah, saddexdaa hadii la waayo Masar waxay ku dambeynaysaa Dagaal sokeeye iyo qaska oo sii kordha”ayuu sheegay.




Milateriga Masaarada ayaa go’aanka 48 Sacaadood ugu qabteen Kooxaha ka soo horjeeda inay joojiyaan waxa ay wadaan loo arkayaa inay tahay hanjabaad ay cadaadis ku saarayaan, inkasta oo wadnaha farta lagu hayo waxa ay noqon doonto talaabada ay qaadaan marka mudadu dhamaato.




Dhanka kale wax isa soo taraya dareemo muujinaya in talada Masar wali gacanta ugu jirto Milateriga oo ay Maqaar saartahay dawlada ku meel-gaadhka ah ee la dhisay.




Waxaanay dhacdooyinkani ku soo beegmayaan xili Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki moon Ciidamada ugu baaqay inay xoriyadiisa u soo celiyaan madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamed Mursi kaasoo aan ilaa hada la ogayn meel uu ku xidhanyahay  iyo xaalada uu ku suganyahay toona.




Si kastaba ha ahaatee Dadka isha ku haya arimaha Masar ayaa si weyn uga dar-daar warinaya Maxsuulka talaabo kasta oo Milaterigu isku dayo inuu ku muquuniyo Kooxaha taageersan Mursi  oo aan ka ahayn waan-waan nabadeed iyo in la fuliyo waxay dalbanayaan.





Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com