Tuesday, July 30, 2013

Neymar Oo La Filayo Inuu Markii Ugu Horeysay U Ciyaaro Barcelona Maanta.


Saxiixa cusub ee xagaaga Neymar ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ugu horeysay u safto Barcelona manta, isagoo lagu soo daray kooxda wajaheysa Lechia Gdansk.




Inkastoo uu tababarka Barcelona soo xaadiray kaliya shalayto, waxaa la qiyaasayaa hadii 21 jirkaan uu taam yahay inuu ciyaari doono kulanka ay Catalans ugu safartay Poland ee saaxiibtinimo.




Sababta saxiixaan 57 milyan euro ku fadhiya loogu soo daray kooxda Barcelona ee joogta Poland ayaa loo arkaa inay magdhow u tahay kooxda Lechia Gdansk, madaama Barcelona ay baajisay kulankaan oo dhici lahaa 20kii July xilligaasoo ay ku soo beegantay iscasilaadii Tito Vilanova.




Ciyaaryahanka ayaa marii uu shalay maray baaritaan caafimaad, waxaa lagu daray kooxda loo magacaabay in ay wajaheyso maanta Lechia Gdansk.




Ciyaartoydii ciyaaray kulamadii saaxiibtinimo ee Bayern Munich iyo Valerenga ayaa sidoo kale lagu soo daray marka laga reebo Javier Mascherano.




Tababaraha cusub Gerardo Martino ayaan kooxda macalin u noqon doonin kulanka maanta, taas bedelkeeda waxa uu mas’uuliyada saaray caawiyayaasha Jordi Roura iyo Rubi, isagoo sii joogaya Barcelona halkaasoo uu ku leylinayo Mascherano, Dani Alves iyo ciyaartoyda Isbaanishka ee fasaxa ka soo laabatay shalayto.




 




 




Kooxda Barcelona Ee Wajaheysa Lechia Gdansk: Pinto, Oier, Montoya, Bartra, Adriano, Song, Sergi Roberto, Dos Santos, Messi, Tello, Neymar, Alexis, Sergi Gómez, Planas, Joan Román, Dani Nieto, Bagnack, Samper, Ilie, Patric, Dongou, Espinosa and Kiko Femenía