Tuesday, July 30, 2013

Waraaqihii Dadka Isfuray Oo Ay Ururisay Ayay Ka Samaysay Taash Iyo Dad Badan Oo Soo Jiitay Caalamka


(GNA) Gabadh yar oo labaatan jir ah ayaa caalamka kaga yaabsatay fikrad aad loogu wareeray, kadib markii ay soo bandhigtay taashka dumarka caruuska loo xidho oo ka sameysan 1500 oo warqado ah. Arinka ugu sii yaabka badan ayaase ah in warqadahani ay yihiin warqado furiin ah oo ay gabadhani kasoo uruurisay dad is furay. Ilaa iyo iminka ma cada sababta ku dhalisay fikirkan yaabka leh, balse gabadhaan ayaa 40.000 oo taageero ah ku kasbatay sameynta taajkan ka sameysan warqadaha furiinka, waxaana la sheegay in dad aad u fara badan ay kasoo dalbadeen in ay u sameyso taaj noocaan oo kale ah, si ay u xidhaan waqtiga nimankoodu ay ku dhawaaqayaan furiinka. Tan ayaana noqoneysa arin caalamka ku cusub iyadoo laga yaabo inay sabab u noqoto inuu soo bixi doonto furiin taaj loo xidho, maadaama aynu ogeyn aroos taaj loo xidho. Marka la eego dalabyada badan ee gabadhan ka soo gaadhaya dadyawga la dhacsan taajkan.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com